Home Wararka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana...

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Ujeedka Safar Uu Ku Tagay Dalka Dibadiisa, Wareejinta Dekeda Berbera, Maamul Goboleed Gobolka Sanaag Lagaga Dhawaaqay Iyo Arimo Kale+Sawiro Iyo Muuqaal

18
0

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Ujeedka Safar Uu Ku Tagay Dalka Dibadiisa, Wareejinta Dekeda Berbera, Maamul Goboleed Gobolka Sanaag Lagaga Dhawaaqay Iyo Arimo Kale+Sawiro Iyo Muuqaal
Hargeysa(UCID-Media Group):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maalmihii u danbeeyeyba safaro shaqo  ugu maqnaa dalka dibadasiii gaar ahaana wadamada Yurub iyo Wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta  aya saaka subaxnimadii  hore kusoo guryo noqday magaalada hargeysa.
Waxaana guddoomiye Faysal Cali Warabe markii uu kasoo dagay madaarka Hargeysa uu si toos ah usoo dhaafay isaga oo ay hotel ambassador ee magaalada hargeysana ay kusoo soo dhaweyeen masuuliyiinta sar sare ee xisbiga UCID cuqaal,salaadiin,waxgarad,iyo waliba taageerayaasha xisbiga UCID ee magaalada hargeysa.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeeddada safar uu ku kala tagay dalalka jabuuti iyo yurub waxaana u sheegay in uu magaalada Shefield ee cariga ingiriiska uu uga qayb galay xaflad ay soo qaban qabiyeen gudida ictiraaf raadinta ee UK isla markaana ahayd dood cilmiyeed lagaga hadlayay ictiraafka Somaliland isaga oo dhanka kalena u mahadceliyay dadkii soo dhaweyey.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ugu horeyn ka hadlay ujeedadasafarkiisa ayaa waxa uu yidhi.
“Waxaan u mahadcelinayaa dadka isku kay dhibay ee salaadaa hore uso kacay si ay isoo dhaweeyaan,ujeedada socdaalkayguna laba mid ayuu ahaa waxaan ka qayb galay caleemo saarkii madaxwaynaha jabuuti, kadib waxaan iyadana ka qayb galay xaflad lagu qabanayay magaalada Shefeild oo gudida ictiraaf doonka ee UK ay ku qabanaysay dood cilmiyeed lagaga hadlayo ictiraafka Somaliland oo ay kasoo qayb galeen xubnaha barlamaanka shefeild,magaaladasina waa tii ina ictiraafeen dawladahooda hoose iminka dadkaasi dadaalkoodii waxay gaadhsiiyeen golaha wakiilada shefeild, markaa waxa lays waydaaarsanayay meelehee u baahan in lagaga dhufto oo l dardar galiyo ictiraafka Somaliland, wadamadee loo baahan in iyagana la galaangashado,markaa insah alllah bug ayaa kasoo bixi doona talooyin ah waxaana aad iyo aad ugu hambalyaynayaa gudidaas Uk ee ictiraad doonk ah,waxaana jecelay dadka kale magaloyinka yurub degane inay dadkan ku daydaan oo arinkena ay gadhsiiyaan”Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Dhanka kalena guddoomiye Faysal waxa uu ka hadlay sida uu u arko maamul goboleed dhawaan lagaga dhawaaqay bariga gobolka sanaag isla markaana la shegay inay hoostagi doonaan dawlada somaliya aya waxa uu yidhi.
“Dardartan aya lagla hortagayaa dadka deegaankaa ku dhaqana waa dad wanaagsan bariga sanaag waxana loo jeedaa in dhas la galiyo somliland oo dadka laysku diro oo dhulka sanag la kala jjaro waxaana u arkaa inaanay wax dhibaato ah ahayn, waad maqli jirteen khaaatumo hada ma khaatumo ayaa jirta tana kaba sii taagdaranba”Sidaas ayuu yidhi.
Ugu danbeyntii gudoomiye Faysal waxa uu ka hadlay heshiiskii dhex maray xukumadda Somaliland iy shirkada gacanta loo galiyay maamulka dekeda berbera Ee DP World waxaana uu sheegay inuu aad usoo dhawaynayo isla markaan ay habon tahay in la barbar istaago cid kaste oo maalgashi ku samaysanaysa dalka.
Si kasteba ha ahaatee guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa mudooyinkii u danbeyey safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.image11-103322

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here