Home Wararka Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Dalka...

Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah + Daawo Sawirada

17
0

Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Hadlay Qodobo Xasaasi Ah + Daawo Sawirada

Hargaysa(UCID-Media Group)- Guddomiyaha XIsbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka ka dib safaroo uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa .
Waxaana Guddoomiyaha Magaalada Hargaysa ku soo Dhaweeyay Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid, Madax Dhaqameed kala Duwan oo uu hor kacayay Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo Masuuliyiin kale .
Gudoomiyaha oo Warbaahinta ugu warramay Ambassador Hotel Ee Magaalada Hargaysa ayaa ka warbixiyay ujeeddada safar uu ku tagay Waddamada Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo Dalka Uk .
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in uu Dalka jabuuti Kaga qeyb galay Dhaartii iyo Caleemo Saarkii Madaxweynaha Jabuuti Sidoo kalena Shir ay soo agaasimeen Guddida ictiraaf Raadinta Somaliland Ee Uk oo ka dhacay Magaalada Sheffeild uu halkaasi isna kaga qeyb galay .
Sidoo Kale Guddoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay Heshiiskii Somaliland Iyo Shirkadda DP World, waxaa uu sheegay in uu Yahay Heshiis horumar Horseedayaa isla makraana uu soo dhaweenayo .
Gudoomiyahaa ayaa soo qaaday kana hadlay meeqaamkii ay dawladda Jabuuti ku qaabishay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in haddii cabasho jirto ay haboontahay in waddadeeda loo maro .
Ugu danbeentii Gudoomiyahaa ayaa wax laga waydiiyay Maamul la sheegay in lagaga Dhawaaqay Bariga Sanaag, waxaanu sheegay in dadka ku nool Bariga Sanaag yihiin dad wanaagsan balse bu yidhi aan Wakhtigan aanu shaqeeneen wax la yidhaa Maamul .

Halkan Ka Dhagayso Codka Guddoomiyaha Oo Dhameestiran .image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here