Home Wararka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulan la qaatay Dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee...

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulan la qaatay Dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee Dagmooyinka 26-June iyo Ibraahim kood-buur Ee Magaaladda Hargaysa

15
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo kulan la qaatay Dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee Dagmooyinka 26-June iyo Ibraahim kood-buur Ee Magaaladda Hargaysa ,Kulanka ayay isku xaal-waraysteen Guddoomiyaha iyo dhalinyaraddu ,Guddoomiye Faysal, ayaa mudooyinkii dambe xooga saarayay dhalinyarada Aqoonyahanka ah, kuwaas oo uu u sharaxo dariiqa xisbiyadda kale uu kaga duwanyahay ee uu Somaliland la rabo .

Guddoomiyaha oo madasha ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ka hadlay cida Xisbiga Ucid uu ku wareejin doono iyo xil ka qaadistii Maxamuud Xaashi Cabdi……

Khudbad Dhamaystiran:

“Xisbiga UCID Waa lagu dhanyahay, Hogaankiisana cidda lagu wareejinaya waxay kasoo bixi-doonta Dhalinyarada, sii uu u hirgaliyo Barnaamijka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga”

” Maxamuud Xaashi waan ka tacsiyadeynaya waxa ku dhacay , sidii cuqaasha aan u hadlee Abtigay Muusena waxaan leeyahay arintaa xaal baan ka bixinayaa Abti ,

Ninkaasi wuxuu soo galiyay tacab xiligii Shaanidana isagoo kaliyaa ku hadhay oo taageeray”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here