Home Wararka Ardayda Kulliyada Miami Ee Hargaysa Oo Taageero U Muujiyay Guddoomiye Faysal Cali...

Ardayda Kulliyada Miami Ee Hargaysa Oo Taageero U Muujiyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

24
0

Ardayda Kulliyada Miami Ee Hargaysa Oo Taageero U Muujiyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeysa ( UCID-Media Group)

Ardayda Kulliyada Miami Ee Hargaysa Oo Taageero U Muujiyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Muuqaal: “Hadaanu Nahay Ardayda Waanu Ku Garab Istaagaynaa Gudoomiye” Ardayda MIAMI.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa habeenimadii xalay waxaa uu magaalada Hargaysa, casho-sharaf ugu sameeyay ardaydii ugu sarraysay ee ka qalin-jabisay Kulliyadda Miami ee Hargaysa.

Waxaana kasoo qeyb-galay, Maamulka, macallimiinta iyo 20-kii arday ee ugu sarreeyay Kulliyadda MIAMI.

Ujeeddada casuumaddan ayaa ahayd Bogaadin iyo dhiiri-galin.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay, ayaa u jeediyay, khudbad dhinacyo-badan taabanaysa, taas oo isugu jirtay, Bogaadin, dardaadan iyo dhiirigalin.

Xubno ku hadlayay afka ardayda iyo macallimiinta oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Gudoomiye Faysal uu yahay masuulka qudha ee had iyo jeer garab taagan bahda waxbarashada, waxaanay ballan-qaadeen in ay Gudoomiye Faysal hankiisa Murashaxnimo ku garab istaagi-doonaan maadaama uu yahay Hogaamiye isbeddel dhalin-kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here