Home Wararka Guddoomiyaha Xisiga Ucid Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayay Oo Soo Kormeeray...

Guddoomiyaha Xisiga Ucid Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayay Oo Soo Kormeeray Goobaha Diinwaangalintu Ka Socoto Ee Deegannada Hoos Taga Degmooyinka Salaxley Iyo Sabo-Wanaag Ee Gobolka Maroodijeex + Sawiro

16
0

Guddoomiyaha Xisiga Ucid Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayay Oo Soo Kormeeray Goobaha Diinwaangalintu Ka Socoto Ee Deegannada Hoos Taga Degmooyinka Salaxley Iyo Sabo-Wanaag Ee Gobolka Maroodijeex + Sawiro

Hargaysa( UCID-Media Group)- Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar qaatay labo cisho, ku soo maray Deegannada Hoos taga Degmooyinka Salaxley iyo Sabo-wanaag Ee Gobolka Maroodijeex .

Ujeeddada Safarka Gudoomiyaha ayaa ku qottontay sidii uu Gudoomiyuhu ugu kuur gali lahaa una soo kormeeri lahaa goobaha Diinwaangalintu ka socoto ee Deegannadaasi .

Waxaana Gudoomiyaha Safarkan ku wehelinayay Afhayeenka Guud Ee Xisbiga UCID Mudane Maxamed Shabaash, ku Xigeenka Xoghaya Cabdinasi Yuusuf Cismaan ( Qodax ) ,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee UK Maxamed Jaamac Koodbuur ,Xoghayaha Arrimaha Bulshada Ee Ucid C/raxman Axmed Cali, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Xasan Kuwiik, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Mudane C/qani Ibraahim Salaf, Xoghayaha Warfaafinta Mudane Yuusuf Kayse C.laahi, Gudoomiyaha XIsbiga Ucid Ee Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye .

Dhamaan Deegaannadii ay mareen Waftigani, ayaa waxay kala kulmayeen soo dhaween balaadhan oo ahayd mid ay bulshadu iskeed isu xilqaantay, waxaanay laga dheehanayay Bulshada Deegannadaasi sida ay ugu faraxsanyihin Kormeerka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, maadama aanay jirn ilaa hadda masuuliyiin soo kormeera oo soo ogaada xaaladdooda rasmiga ah .

Gudoomiyaha ayaa Goob walba dul tagayay, isagoo xog-waraysanayay Madaxda Goobahaasi si uu u ogaado habsami u socodaka hawlaha Diinwaangalinta, isagoo intaas ka dibna u gudbinayay talooyin ku aaddan muhimadda Diinwaangalinta iyo sidii ay bulshada uga dhaadhicin lahaayeen .

Sidoo kale wuxuu ku boorinayay masuuliyiinta Goobaha Diinwaangalinta in ay si fiican ugu adeegaan bulshadooda .
Waxaa xusid mudan in bulshada Deegaanka Qotton-dabo ay dalbadeen in muddo kordhin loogu sameeyo muddada Diinwaangalinta, iyagoo sabab uga dhigay Bulshadii Deegaankasi oo u hayaamay wakhtiyadii abaaraha meelo aad u durugsan .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo u khudbadeeyay Bulshada iska diinwaangalinaya Deegannadaasi ayaa ku dheeraaday qiimaha Diinwaangalinta Cod-bixiyayaashu u leedahay, isagoo ku dardaaray in ay si mug leh uga qeyb qaataan Diinwaangalinta .

Geesta Kale Gudoomiyuhu wuxuu soo kormeeray Cusbitaal Dhismihiisu ka socdo Deegaanka Labi Sagaala, waxaanu Gudoomiyuhu u ballan qaaday in uu Lacag Dhan 2000, Dollar (Laba Kun Oo Dollar) kaga qeyb qaadanayo Dhismaha Cusbitaalkan .

Odayaasha iyo Madax Dhaqameedka Deegaankaasi ayaa sheegay in ay Gudoomiyaha u bandhigeen Dhismaha Cusbitaalkan, isla markaana ay aad uga mahad naqayaan sida uu ugu dhago nuglaaday ee uu uga qeyb qaatay Dhismaha Cusbitaalkan .

Si kastaba ha ahaatee Safarkan kormeerka ahaa ee uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe tagay Deegannadaasi ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday Guul .

Magacyada Deegaannada Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Soo Kormeeray .

Qoolcaday
Salaxlley
Baha dhamal
Ina Igare
Aadan abokor
Kaam tuug
Ina guuxa
Laanqayrta Qool dhuxulaale
Laanqayrta celiyoo
Qool bulale
Libax qawdhama
Higlada
Labi sagaala
Gaas
Sabawanaag
Qoton dabo
IMG_0081IMG_0002image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here