Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin La Yeeshay Wufuud...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin La Yeeshay Wufuud ka Socota Siddeed Safaaradood Booqasho Ku Yimid Hargeysa.

18
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin La Yeeshay Wufuud ka Socota Siddeed Safaaradood Booqasho Ku Yimid Hargeysa

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madax kale oo Xisbiga ka tirsan’ayaa hada Xafiiska xarunta dhexe ee UCID uu Hargeysa ku leeyahay ku qaabilay isla markaana Shir gaar ah kula qaadanaya Madax ka socota Waddamadda Beesha Caalamka ah gaar ahaan Qunsuliyaddaha 8 Safaaraddood oo Waddamadda reer Galbeedka ee Daneeyayaasha Arimaha Doorashooyinka iyo Dumquraadiyadda Somaliland ka taageera oo Hargeysa u yimid arimaha Diyaar garoowga Doorashooyinka Soo socda inay Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka kala Xaajoodaan in wixii qabyo ah la dhamaystiro gaar ahaan waxa kulankani daaran yahay arimaha Saamiga Doorashooyinka ee Beelaha la Haybsoco iyo Kootadda Haweenka ee Doorashooyinka.

Wufuuddan 8da Safaaraddood ee Waddamadda Beesha Caalamka ee Somaliland Arimaha doorashooyinka Iyo Dumquraadiyadda ka taageera ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu Xafiiskiisa Saaka ku qaabilay kulana shiraayo’ ayaa kala ah’ Safiiradda Waddamo ay ka mid yihiin UK , Germany, Sweden, Denmark, EU, UN, AU.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here