Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal oo Booqday Sayladda Xoolaha Iyo Degmada Axmed...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal oo Booqday Sayladda Xoolaha Iyo Degmada Axmed Dhagax Ee Hargaysa.

18
0

Hargeysa (UCID-Media Group)Gudoomiye Faysal oo Booqday Sayladda Xoolaha Iyo Degmada Axmed Dhagax Ee Hargaysa.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta booqday sayladda xoolaha ee Hargaysa.

Guddoomiyaha ayaa bulshada ku ganacsata u kuur-galay xaaladdooda, kadibna la qayb-saday dareenkooda iyo cabashadoodaba, waxaanu u ballan-qaaday in uu fariintooda gaadhsiin-doono hay’adaha ay khusayso.

Sidoo kale, Guddoomiye Faysal wuxuu booqday mid kamid ah maqaaxiyaha shaaha ee bulshadu ku shaahayso kuna kulanto ee ku yaal Degmada Axmed Dhagax.

Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay, Madax dhaqameed, dhalinyaro iyo Haldoor kale.

Guddoomiyaha ayaa la qaatay bulshadii halkaas ku sugnayd, kulan is xog-waraysi ah oo ku tacalluqa xaaladda dalka, waxaanu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan midnimada umadda iyo wada jirkooda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ay ah, Hogaamiye ku suntan ka shaqaynta danta guud, iyo xog-ogaal u noqoshada xaaladaha kala duwan ee ay ku suganyihiin Bulshadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here