Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , oo habeenimadii xalay...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , oo habeenimadii xalay magalada Hargaysa casho sharaf ugu sameeyay ardaydii ugu sarraysay Jaamacadda Rift Valley.

16
0

Hargeysa(UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa habeenimadii xalay waxaa uu magalada Hargaysa casho sharaf ugu sameeyay ardaydii ugu sarraysay Jaamacadda Rift Valley.

Waxaana kasoo qeyb-galay, Masuuliyiinta xisbiga, maamulka iyo ardaydii dhamaystay jaamacada ee la maamuusay.

Maamulka iyo ardayda ayaa Guddoomiyaha u mahad-naqay, waxaanay sheegeen in Gudoomiye Faysal yahay masuulka qudha ee ka war-haya Ardayda isla markaana garab istaaga.

Guddoomiyaha oo gabogabadii halkaas ka hadlay, ayaa ujeeddada casuumadan ku tilmaamay dhiirigalin iyo in ardayda loo muujiyo in la tirsanayo oo loo han-wayn-yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here