Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan qaar kamid...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan qaar kamid ah hogaanka sare ee Xisbiga Ucid Iyo Masuuliyiin isugu jiray, Heer-qaran Iyo Heer-gobol, ayaa maanta Magaalada Ceerigaabo Ku booqday Cusbitaal Cusub oo hadda dhismihiisu dhamaaday kaas oo uu dhisay Mulkiilaha Shirkadda Beeyada ee Asli Maydi Ganacsade Barkhad Jibriil Xasan.

18
0

Ceerigaabo ( UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan qaar kamid ah hogaanka sare ee Xisbiga Ucid Iyo Masuuliyiin isugu jiray, Heer-qaran Iyo Heer-gobol, ayaa maanta Magaalada Ceerigaabo Ku booqday Cusbitaal Cusub oo hadda dhismihiisu dhamaaday kaas oo uu dhisay Mulkiilaha Shirkadda Beeyada ee Asli Maydi Ganacsade Barkhad Jibriil Xasan.

Waxaana Guddoomiyaha halkaasi ku qaabilay maamulka Cusbitaalka, iyadoo Guddoomiyuhuna uu soo indho-indheeyay qeybaha kala duwan ee Cusbitaalku ka koobanyahay, sidoo kalena waxay Maamulka Cusbitaalku u sharaxeen Gudoomiyaha qeybaha Cusbitaalka iyo adeegyada uu bixin-doono mustaqbalka marka la furo.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu wuxuu Booqday Dhismaha Qasriga Madaxtooyada Ceerigaabo oo dhamaad ku dhaw.

Gobolka Sanaag ayaa intii la dhisay waddada isku xidha Burco Iyo Ceerigaabo, waxaa laga dareemayaa talaabooyin xagga horumarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here