Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta ka qeyb-galay...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta ka qeyb-galay Xafladda Dib u Furista Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha ee Gobolka Sanaag oo maanta ka dhacday Ceerigaabo.

14
0

Ceerigaabo (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta ka qeyb-galay Xafladda Dib u Furista Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha ee Gobolka Sanaag oo maanta ka dhacday Ceerigaabo.

Waxaa Gudoomiyaha wehelinayay, xubno kamida Hogaanka Xisbiga oo kala ah, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Xisbiga Ucid #Cabdirashiid_Xasan_Basbaas Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Saed Omar (#Siciid_ucid), iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Ucid oo isugu jiray Heer-qaran, Heer-gobol iyo Heer-degmo, Murashxiin, Madaxda Gobolka Sanaag ee Xisbiga Ucid .

Gudoomiyaha ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, waxaana uu si gaar ah u dul istaagay qiimaha ay midnimadu u leedahay Gobolka Sanaag, isagoo sheegay in Gobolka Sanaag la isugu iman-doono oo uu noqon-doono Gobolka ugu qanisan Somaliland.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Bulshada Reer Sanaag in ay qaataan kaadh-ka codaynta oo ay is Diinwaangaliyaan.

Ugu Dambayn, Gudoomiyaha ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Maayirka Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag.

Waxaanay kulamadaasi ku tacalluqeen u kuur-gal uu Gudoomiyuhu ku ogaanayay guud ahaan xaaladda gobolka, gaar ahaanna hawlaha Diinwaangalinta oo la filayo in maalinta Axadda ay dib uga furanto Gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here