Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii labaad ee ka baxda Dugsiga sare ee Dabaylo-wayne.

19
0

Hargeysa(UCID-Media Group) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii labaad ee ka baxda Dugsiga sare ee Dabaylo-wayne.

“Afar Arday Ayaanu Siin-doona Deeq Waxbarasho Oo Bilaash Ah”

Dugsigan oo ay maalin-galiyeen Guddida Horumarinta ee Dan Iyo Duco, ayaa waxaa uu ku yaalla Deegaanka Macaaneeyee ee Degmada Laas-geel ee Gobolka Saaxil.

Gudoomiyaha oo halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa bogaadiyay dadaalka midho-dhalay ee ay sameeyen Guddida Dan iyo Duco. Waxaanu ballan-qaaday in uu afar arday oo ka dhamaystay Dugsiga sare ee Dabaylo-wayne ay ka bixin-doonaan Jaamacadda.

Gudoomiyaha ayaa waxaa wehelinayay, qaar kamid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here