Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta Booqday...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta Booqday Dekedda Labaad ee Berbera oo dhismaheedu socdo.

23
0

Berbera (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta Booqday Dekedda Labaad ee Berbera oo dhismaheedu socdo.

Waxaa Gudoomiyaha Wehelinayay Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Prof Ahmed Muse Abyan , Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad Saed Omar (Siciid-ucid), Xohayaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax .

Ugu horrayn waxaa waftiga Gudoomiyaha Xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Dekedda Berbera, waxaanu uga warramay guud ahaan xaaladda ay ku sugantahay Dekeddu, waxaanu intaasi kadib uu waftiga gudoomiyaha soo tusay dhismaha Dekedda labaad ee berbera oo shaqadeedu si habsami ah u socotay.

Waftiga ayaa sidoo kale raacay mid kamid taagagga cusub ee ku sugan dekedda, kadibna waxay socdaal kooban ku gaala bixiyeen gudaha Badda si ay u soo arkaan horumarka xawliga ah ee ka socda Dekedda.

Guddoomiye Faysal ayaa kamid ahaa masuuliyiintii koobnayd ee taageersanayd kana shaqaysay Mashruuca Dp World Ee Dekedda, kaas oo Dekedda u horseeday horumar muuqda oo la taaban-karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here