Home Wararka Guddomiyaha Xisbiga Mucaradka Ah Ee UCID Oo Booqday Dekeda Berbera Iyo Xaaladaha...

Guddomiyaha Xisbiga Mucaradka Ah Ee UCID Oo Booqday Dekeda Berbera Iyo Xaaladaha Uu Kusoo Arkay

13
0

Guddomiyaha Xisbiga Mucaradka Ah Ee UCID Oo Booqday Dekeda Berbera Iyo Xaaladaha Uu Kusoo Arkay

DAAWO MUUQAAL : Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , ayaa maanta Booqday Dekedda Labaad ee Berbera oo dhismaheedu socdo.

Waxaa Guddoomiyaha Wehelinayay Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Prof Ahmed Muse Abyan , Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad Saed Omar (Siciid-ucid), Xohayaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

Ugu horrayn, waxaa waftiga Guddoomiyaha Xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Dekedda Berbera, waxaanu uga warramay guud ahaan xaaladda ay ku sugantahay Dekeddu, waxaanu intaasi kadib uu waftiga gudoomiyaha u soo gaxeeyay halka uu ka socdo dhismaha Dekedda labaad ee berbera oo shaqadeedu si habsami ah u socotay.

Waftiga ayaa sidoo kale raacay mid kamid taagagga cusub ee ku sugan dekedda, kadibna waxay socdaal kooban ku gaala bixiyeen gudaha Badda, si ay u soo arkaan horumarka xawliga ah ee ka socda Dekedda.

Guddoomiye Faysal ayaa kamid ahaa masuuliyiintii koobnayd ee taageersanayd kana shaqaysay Mashruuca Dp World Ee Dekedda, kaas oo Dekedda u horseeday horumar muuqda oo la taaban-karo.

Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa kamid noqon-doona siyaasiyiinta ku suntanaan-doona horumarka baaxadda leh ee ka hirgalay Dekedda Berbera.

Ugu Dambayn Xoghaye Ramaax ayaa Faahfaahinayaa Booqashadan.

Daawasho Wacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here