Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa caawa ka qeyb-galay, Shir...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa caawa ka qeyb-galay, Shir ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka oo ka dhacay Hargaysa.

19
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa caawa ka qeyb-galay, Shir ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka oo ka dhacay Hargaysa.

Waxaa Guddoomiyaha wehelinayay, masuuliyiin ay kamid ahaayeen, Guddoomiye Ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Siciid Axmed Cumar(Siciid-ucid), Ku Xigeenka Xoghayaha Guud C.naasir Yuusuf Cismaan Qodax, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Hibaaq Cali Maydhalaalis, Xoghayaha Xidhiidhka Laamaha Dibadda Iyo Xarunta Dhexe Mustafe C.risaaq, Murashax Maxamed Xasan Siciid kamid ah Murashaxiinta Xisbiga UCID.

Shirkan, ayaa ahaa wada-tashi, waxaana ka qeyb-qaadanayay, saamillayda Doorashooyinka oo kala ahaa, Komishanka, Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa Somaliland ka caawiya Doorashooyinka, Ururrada aan dawliga ahayn, Xisbiyada Qaranka.

Waxaana shirkan lagu lafo-guray qodobbo la xidhiidha hawlaha Doorashooyinka, iyadoo la isla eegay wixii qabsoomay, caqabadaha jira, iyo sidii loo sii wada hambsami u socod-ka hawlaha Doorashooyinka, si ay dalka uga dhacdo Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada Iyo Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here