Home Wararka Xisbiga UCID Ayaa maanta magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, xaflad-balaadhan ugu...

Xisbiga UCID Ayaa maanta magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, xaflad-balaadhan ugu qabtay 15 Murashax, oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Borama Iyo Golaha Wakiilada Ee Gobolka Awdal.

16
0

Xisbiga UCID Ayaa maanta magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, xaflad-balaadhan ugu qabtay 15 Murashax, oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Borama Iyo Golaha Wakiilada Ee Gobolka Awdal.

Boorama (UCID-Media Group)Xisbiga UCID Ayaa maanta magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal, xaflad-balaadhan ugu qabtay 15 Murashax, oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Borama Iyo Golaha Wakiilada Ee Gobolka Awdal.

Munaasibaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimaty, isla markaana ay buux-dhaafiyeen Hoolkii taageerayaal tiro-badan, madax-dhaqameed miisan leh, Haween-bilan, Dhalinyaro, Waxgarad, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo haldoor kale.

Sidoo kale, waxaa xafladda ku sugnaa, wafti uu hogaaninayay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, oo ka koob-na Hogaanka Xisbiga Iyo qaar kamid ah Xog-hayayaasha Xisbiga UCID.

Murashaxiintan maanta lasoo bandhigay, ayaa wax ka dhex muuqday Masuuliyiin Xilal-wasiirnimo iyo xilal-safiir-nimo soo qabtay, Aqoonyahan lasoo xulay iyo Haween.

Waxaa xusid mudan in Murashax walba ay barbar-taagnaayeen Madax-dhaqameed-kiisi iyo odayaashiisi, taas oo ka markhaati-kacday In Murashaxiintani ahaayeen kuwo Deegannadoodu isku raaceen.

Waxaa halkaasi laga jeediyay Khudbado qiimo-badan, waxaanay xafladdu kusoo dhammaatay jawwi deggen oo farxadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here