Home Wararka Diiwaangalinta Codbixiye Yaasha Ee Wajigii Labaad Oo Gobolka Awdal Si Rasmi Uga...

Diiwaangalinta Codbixiye Yaasha Ee Wajigii Labaad Oo Gobolka Awdal Si Rasmi Uga Bilaabantay Iyo Xisbiga Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Kormeer Ku Soo Maray Habsami U Socodka Diiwaangelinta Gobolka Awdal……….

15
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Diiwaangalinta Codbixiye Yaasha Ee Wajigii Labaad Oo Gobolka Awdal Si Rasmi Uga Bilaabantay Iyo Xisbiga Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Oo Kormeer Ku Soo Maray Habsami U Socodka Diiwaangelinta Gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo ku sugan Borama, ayaa maanta ka qeyb-galay dib u furista Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha oo si rasmi ah saaka uga bilaabmatay Xarimunta Gobolka.

Guddoomiyaha oo hadal halkaasi ka jeediyay, ayaa bulshada Reer Awdal ku booriyay in ay qaataan oo ay u dareeraan Diinwaangalinta si ay yeeshaan xaqa codaynta.

Waxaanu Guddoomiyuhuu intaasi ku daray carrabkana ku adkeeyay in doorkan lasoo saari-doono dad wanaagsan oo xul ah.

Ugu dambayn Guddoomiyuhu wuxuu kormeeray qaar kamid ah goobaha Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha oo shaqadu si habsami ah uga socoto.

Gudoomiyaha ayaa waxaa wehelinayay kormeerkana kala qeyb-qaadanayay Madaxda Xisbiga UCID ee Gobolka Awdal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here