Home Wararka Daawo : Xisbiga UCID Oo Cayyimay Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shirwaynaha Aan Caadiga...

Daawo : Xisbiga UCID Oo Cayyimay Wakhtiga Uu Qabsoomayo Shirwaynaha Aan Caadiga Ahayn , Sidoo Kalena Dib U Celiyay Xubin Ay Soo Magacaabeen Garabkii Xisbiga UDUB Ee Heshiiskoodi Xisbiga Hor Yaallo .

20
0

img_0025

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax),  oo maaanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa iclaamiyay wakhtiga uu qabsoomayo Shirwaynaha aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID, Waxaanu sheegay in uu Shirwaynuhu dhici Doono 2/11/2016 .

Sidoo kale waxaa Garabkii Xisbiga UDUB dib loogu celiyay, xubin ay ku soo dareen Guddida Qaban-qaabada shirwaynahaas, kaas oo aan ka mid ahayn Garabkii Xisbigii UDUB, Balse isagu ka tirsanaa Xisbiga UCID, waxaanu Xisbiga UCID uu ugu baaqay Garabkii Xisbiga UDUB In ay xubintaa soo badalaan oo ay soo magacawdaan xubin kale oo ka mid ah Garabkooda .

Shir-waynahan ayaa waxaa la hor geen doonaa Heshiis ay sannadkii 2012 wada galeen Xisbiga UCID oo dhinac ah iyo Garabkii Xisbiga UDUB Oo isna dhinaca kale ah, waxaana la filayaa in Shirwaynaha lagu ansixiiyo ama  lagu laalo Heshiiskaas .

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here