Home Wararka Madax Dhaqameed-Ka Iyo Odayaasha Deegaanka Koonfurta Hargaysa Oo Taageero U Muujiyay Murashaxnimada...

Madax Dhaqameed-Ka Iyo Odayaasha Deegaanka Koonfurta Hargaysa Oo Taageero U Muujiyay Murashaxnimada Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

17
0

Kulankan oo ahaa qado sharaf ayaa waxaa ku kulmay Madax Dhaqameed iyo Odayaal ka soo jeeda Deegannada Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa Iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

Waxaanu kulankani ka dhacay Hotel Riyaad Ee Hargaysa, iyadoo kulankani uu daarnaa is xog-waraysi iyo taageero ay Madax Dhaqameedkani ay u muujiyeen Gudoomiyaha .

Sidoo kale waxaa la isla lafo guray hawlaha Xisbiga UCID, iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa hawlaha u diyaar garawga Doorashada, maadaama hadda la galay Jawwi Doorasho .

Madax Dhaqameedkan ayaa Gudoomiyaha u cadeeyay in ay ku garab taaganyihiin Hankiisa Murashaxnimo, waxaanay carrabka ku adkeeyeen in Gudoomiye Faysal  yahay Siyaasiga immika ugu waayo aragsan Somaliland, ee ku haboon in uu qabto talada Dalka .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo kalmado kooban halkaasi ka yidhii, ayaa Madax Dhaqameedka u sheegay in dib u habayn lagu sameen doono Xisbiga UCID, waxaanu uga mahad naqay cududda taageero ee ay u muujiyeen .

 

14793803_1263149660397392_884222833_n 14797432_1263149673730724_315960970_n 14800927_1263148010397557_1903009683_n 14804906_1263149497064075_246967804_n 14805623_1263149407064084_1517572462_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here