Home Wararka Daawo Video : “ Waa Inoo Kow, Waana Wax Siyaasadeena Ku Soo...

Daawo Video : “ Waa Inoo Kow, Waana Wax Siyaasadeena Ku Soo Kordhay, Gudoomiye Watta Wasiiro Aanu Isagu Magacaabin, Waa Caado Soo Baxday, Dawladdani Haddaanay Ahayn Mid U Shaqeenaysa Dalka, Ee Ay Tahay Mid U Ololeenaysa Muuse Biixi De Shaqada Ha Ka Tagaan, ..,” Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe

16
0

Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka ku soo laabtay Dalka, ka dib safaroo uu ugu maqnaa Dalka Dibaddiisa .

Gudoomiyaha ayaa Saaka markii uu ka soo dagay Gagida Diyaaraduhu ka haadaan ee Hargaysa, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyeen Saraakiisha sare ee Xisbiga UCD, Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin kale .

Waxaanu Gudoomiyuhu Warbaahinta ugu waramay Ambasador Hotel Ee Magaalada Hargaysa, Isagoo tafaasiil ka bixiyay safaradiisii Dibadda, isagoo sheegay in uu ka qeyb galay Kulankii Somaliland iyo Khaatumo Ee ka dhacay Ethopia, intaasi ka dib-na uu Dalka Kuwait uga sii gudbay, isagoo halkaasina kulamo kula soo qaatay Hay’adda Bisha-Cas, waxaanu kala hadlay abaaraha ka jiraa Dalka iyo sidii ay gacan uga gaysan lahayeen .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu Hay’adda Bisha-Cas Iyo Guddida Abaaraha Heer Ee Somaliland uu isku xidhi Doono .

Warbaahinta oo wax ka waydiisay Gudoomiyaha Qabsoomida Doorashada Xilligii loogu talo-galay ayaa waxaa uu sheegay in ay arrinkaasi talo laga yeelan doono, oo ay axsaabtu isaga iman doonto wakhtiga ugu haboon ee Doorashadu dhici karto .

 

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa dul-istaagay ololaha KULMIYE ka waday Gobolada Dalka mudooyinkii u danbeeyay .

“ Waxaa wax laga xishoodo ah, Xisbul xaakimkii KULMIYE, in uu galo kaambeen Kaligii ah, wax immikana soo baxay oo aan hore u jirin, Gudoomiye Xisbi oo Wasiiro Watta, Annagu Wasiiro qaranka u shaqeenaya ayaanu ogaynee, haddi ay iyagu u shaqeenayaan Muuse Biixi, De waa in ay talada Wareejiyaan ..,”

Gudoomiye Faysal oo si watta hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray  “ Waa inoo kow, waana wax siyaasadeena ku soo kordhay, Gudoomiye Watta Wasiiro aanu isagu magacaabin, Waa Caado Soo Baxday, Dawladdani haddaanay ahayn mid u shaqeenaysa Dalka, ee ay tahay mid u ololeenaysa Muuse Biixi De shaqada ha ka tagaan, oo agaasimayaashu shaqada ha sii wadaan  inta ay doorashadu dhacayso ..,”

 

 

Ugu danbeen wuxu ka hadlay qabyaaladda oo uu sheegay in ay foolxumo soo korodhay .

“ Waxaa iyaduna  Foolxumo ah Qabyaaladda, Inta aan dalka joogay inta aan maqlay Subeer Awal, Iyo inta aan Somaliland ka maqlay, Inta aan ka maqlay Subeer Awal ayaa ka badan, Haddana waxaa soo baxay Garxajjis, Oo habrihii ayaa buraan-burayaa, Hablihii Yar-yaraa ayaa afka loo galiyay, waxani Dawladnimo maahe, waa la inagu maadsanayaaye, Kamaradihiina uun ka daayaa, intaasun ma nagu caawin kartaan, adeerayaal ka daayaa,Waynu ceebeesannahee, Soomaalidu way na tuhmi jirtee, immika Tuhunkii meesha wuu ka baxay, Inan-yar ayaa I soo gashay iyo Reer Hebel ayaa I soo galay, de siyaasad maaha, waar adeer maxaad haysaa, Barnaamij Siyaasiya ma haysaa, Tacliinta maxaad ka qabanaysaa, Biyo Ma Keenaysaa, Aqoonsiga ma doonaysaa..,” Ayuu Yidhi Gudoomiye Faysal Cali Oo Maanta Dib ugu soo laabtay dalku .

 

 

img_9910

img_9920

img_9925

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here