Home Wararka Xisbiga UCID Oo Ka Digay Hab Dhaqanka Foosha Xun Ee Ku Cusub...

Xisbiga UCID Oo Ka Digay Hab Dhaqanka Foosha Xun Ee Ku Cusub Saaxada Siyaasadda Somaliland Ee Ay La Soo Baxeen Kooxaha Ku Dhex Asqoobay Siyaasadda

17
0

Xisbiga UCID Oo Ka Digay Hab Dhaqanka Foosha Xun Ee Ku Cusub Saaxada Siyaasadda Somaliland Ee Ay La Soo Baxeen Kooxaha Ku Dhex Asqooba Siyaasadda screenshot_20170104-135504Hargeysa(UCID-Media Group):-Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee gobolka Maroodi-jeex Iyo Xubno ka tirsan guddida fulinta ee Xisbiga UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay siyaasiyiin aan intooda badan la garanay oo sheegtay in ay Xisbiga UCID ka baxeen oo maalinka barri ah la filayo inay ku biiraan xisbiga WADDANI loona qabto munaasibad soo dhawayn ah.

Kooxdan oo intooda badan aan la garanayn meel ay xisbiga ka soo galeen iyo waxa ku kalifay sheegashada waxaanay ahayn ayaa waxaa ka mid xildhibaan Qabile, Maxmed Haaruun oo isagu xilkii iyo xubinimadii xisbiga iska casilay 2012 kii. Xoghayihii golaha dhexe Sabaca ee laga eryey xisbiga iyo guddoomyihii gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin ee iyana Xilka laga qaaday.

Waxaana ay masuuliyiintani sheegeen inaanay siyaasiyiintani ka tirsanaan jirin xisbiga UCID,waxaana ay eedaymo usoo jeediyeen labada xisbi qaran ee WADDANI iyo KULMIYE.

Haddaba Waxaa uu xisbiga UCID ka digayaa hab dhaqanka foosha xun ee ku cusub saaxada siyaasadda Somaliland ee ay la soo baxeen kooxahan ku dhex asqoobay siyaasada ee iyagoon maalina xubin buuxda ka noqon xisbiga misna sheeganaya.
screenshot_20170104-135324

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here