Guddoomiyaha Laanta Sweden Ee Xisbiga Mucaaradka UCID Oo Guud Ahaan Shacabka Reer Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibadda 18-May Awgeed.
Stockholm,(UCID-Media Group)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Ee Laanta Sweden, Dr Ibrahim Cali Kirih [Faacuul], ayaa Guud Ahaan Shacabka Reer Somaliland Ku
Hambalyeeyey Munaasibadda Maalinta Qaranimada Somaliland 18-May .
Guddoomiye Dr Ibraahim Cali kirih ayaa sidan ku sheegay
qoraal uu soo gaadhsiiyey UCID-Media Group waxaanu qoraalkaas Guddoomiye Ibrahim u dhignaa
sidan tan:- “Munaasibadda maalinta Qaranimada Somaliland ee gooni isu taaga 18-ka May awgeed waxaan hambalyo iyo
bogaadin u dirayaa dhamaan Shacbi-weynaha Somaliland (dal &
dibadba),Gaar ahaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID Waxaan inoo rajaynayaa Sanadkan sanadkiisa inaynu ku gaadhno Ictiraaf Taama Oo Aynu Aduunka Ka Helo ,Nabad, Barwaaqo & Horumar”.
Allah Mahadleh.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Ee Sweden
Dr Ibrahim Cali Kirih (Faacuul)