Home Wararka Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay...

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa + Sawiro

23
0

Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Soo Dhaween Diiran loogu sameeyay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim (Googooye) .

Waxaana Madaarka kaga hor-tagay kuna soo dhaweeyay dalka Qaar ka mid ah Masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga UCID .

Ugu horeen waxaa Halkaasi kalmado kooban oo soo dhaween ah ka yidhi Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse C/laahi, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye Iyo Xoghayaha Xidhiidhka Gobolka C/qani Ibraahim Salaf .

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Yuusuf Ibraahim Googooye oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dareen celiyay soo dhaweenta lagu qaabilay, waxaanu u mahad naqay Dhamaan Masuuliyiintii halkaasi ku soo dhaweesay .

Xoghayuhu wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyihiin in uu dalkiisi hooyo ku soo nabad noqday, waxaanu xusay in Jagada uu hayyo tahay Mishiinka iyo marawaxadda wareejinaysa hawlaha Xisbiga isla markaana ay shaqada Xisbiga si fiican u socon doonto .

 

 

Codka Xoghayaha Iyo Weedhihii Soo Dhaweenta .

 

 

 

Gujji Halkan Si Aad u Dhagaysato Codka

 

 

IMG_3756 IMG_3757 IMG_3760 IMG_3762 IMG_3764 IMG_3767 IMG_3777 IMG_3780 IMG_3785 IMG_3791 IMG_3797 IMG_3803 IMG_3804 IMG_3809 IMG_3811 IMG_3818 IMG_3819 IMG_3822

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here