Home Wararka Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Magaalada Burco Ugu Sameeyay Taageerayaal Laxaad...

Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Magaalada Burco Ugu Sameeyay Taageerayaal Laxaad Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID .

14
0

Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Magaalada Burco Ugu Sameeyay Taageerayaal Laxaad Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID .

 

Xisbiga UCID Ayaa Maanta Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer xaflad balaadhan ugu sameeyay Taageerayaal laxaad leh oo ku soo biiray Xisbiga UCID .

Taageerayaasha oo ka soo jeeda mid ka mid ururada bulshada ee ugu wayn Gobolkaasi oo la yidhaa Cod iyo Caqiibo .

Xafladdan oo ahayd mid ilyartu is qabtay isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal tiro-badan .

Ugu horayn waxaa xafladaasi ka hadlay Xubno ku hadlayay afka taagerayaasha ku soo biiray Xisbiga UCID, Waxanay tilmaameen in Murashax Faysal Cali Waraabe aan la barbar dhigi karin Murashaxiinta kale, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba ay la garab taaganyihiin Murashax Fasyal Cali Waraabe Iyo Xisbiga UCID .

Odayaal iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay Taageerada ay u hayaan Xisbiga UCID, waxaanay sheegeen in Murashaxa Faysal uu ku guulaysan doonoo Doorashada .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad u soo dhawaynayo Taageerayasha Ururka Cod iyo Caqiibo, Waxaanu sheegay in Gobolka Togdheer yahay Xareedda Somalialnd .

 

IMG_9551 IMG_9552 IMG_9553 IMG_9558 IMG_9566 IMG_9572 IMG_9580 IMG_9583 IMG_9607 IMG_9610 IMG_9612 IMG_9616 IMG_9617 IMG_9623 IMG_9592 IMG_9593 IMG_9599 IMG_9600 IMG_9605

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here