Home Wararka Xisbiga UCID Oo Qado Sharaf U Sameeyey Xulka Kubbadda Cagta Ee Gobolka...

Xisbiga UCID Oo Qado Sharaf U Sameeyey Xulka Kubbadda Cagta Ee Gobolka Daad-madheedh.

12
0

Xisbiga UCID Oo Qado Sharaf U Sameeyey Xulka Kubbadda Cagta Ee Gobolka Daad-madheedh.

Hargeysa (UCID-Media Group) Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa Hadhimo sharafeed ku maamuusay xulka kubbadda cagta ee gobolka Daad-madheedh ee dhawaan ku guuleystay koobkii horyaalka tartanka ciyaaraha gobollada ee Somaliland.

Hadhimo sharafeedkaas oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, musharax ku xigeenkii xisbigaas, masuuliyiin kale ka tirsan xisbigaas, maayarka Oodweyne iyo xulka gobolka gobolka Daad-madheedh, ugu horeyn waxa madashaas ka hadlay guddoomiyaha xisbiga UCID  Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ku hambalyeeyey xulka Daad-madheedh koobka horyaalka ee ay ku guuleysteen iyo ciyaartii wanaagsanayd ee ay soo bandhigeen, isaga oo intaas ku daray in ciyaaruhu ay ka qayb qaataan horumarka iyo isdhexgalka bulshada, wuxuuna kula dardaarmay in ay ka fogaadaan wax kasta oo ku keeni kara dib u dhac ilaaliyaana nabadgalyada.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo musharax ku xigeenkii madaxweynaha ee xisbigaas Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan, oo ku hambalyeeyey xulka gobolka Daad-madheedh guushii ay ka gaadheen tartankii ciyaaraha gobollada Somaliland, iyaga oo ku ammaanay in ay ciyaar wanaagsan soo bandhigeen.

Dhankoodana maayarka degmada Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse, tababbaraha xulka gobolka Daad-madheedh Maxamed Maxamuud Diridhaba iyo isuduwaha wasaaradda dhallinyarda iyo ciyaaraha ee gobolkaas oo hadhimo sharafeedkaas loo sameeyey ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey munaasibaadaas uu xisbiga UCID ku maamuusay, waxayna tilmaameen inuu yahay xisbigii u horeeyey ee u hambalyeeya horyaalnimada ay hanteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here