Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Xulkii ku guulaystay tartankii ciyaaraha gobollada

19
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Xulkii ku guulaystay tartankii ciyaaraha gobollada somaliland.

Waxaana kasoo qeyb-galay, Xubno kamid ah hoggaanka Xisbiga, Xog-hayayaal, Murashaxiin, Siyasiyiin, Dhalinyaro, Tobobarayaasha Xulka Daadmadheedh, Maayirka Iyo Badhasaabka Gobolkaas, Ciyaartoyda Xulka Iyo Marti sharaf kale.

Waxaana halkaasi laga jeediyay khudbado ku tacalluqa guusha Xulkaasi, iyadoo laga markhaati kacay ciyaar wanaagii ay soo bandhigeen.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, aya shahaadooyin Gudoonsiiyay, Tobobare Diri dhaba oo ah Macalinka xulka Daad-madheedh Iyo Suxufigii soo tabinayay ciyaaraha gobollada Ciise Tooni.

Munaasibaddan ayaa ku soo dhamaatay jawwi Degen oo farxadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here