Home Wararka Xisbiga UCID Oo Cududiiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Degmada Dila Iyo Gobolka...

Xisbiga UCID Oo Cududiiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Degmada Dila Iyo Gobolka Awdal Iyo Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kala Qeyb-galay .

9
0

Xisbiga UCID Oo Cududiiisa Taageero Ku Soo Bandhigay Degmada Dila Iyo Gobolka Awdal Iyo Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kala Qeyb-galay .

Bulshada ku dhaqan Degmada Dila iyo Gobolka Awdal ayaa si balaadhan oo aanay u kala hadhin u soo dhaweeyay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay .
Murashaxa ayaa subaxnimadii saaka ku waabiristay Degmada Dila, isagoo bulsahda ku dhaqan Degmadaasi gaar ahaan taageerayaasha meel fagaare ah kala hadlay, waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo ku dardaaray in ay doorkan codkooda ku ciil-baxaan oo ay UCID doortaan .
Intaasi ka dib Murashax Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Ku Xigeenkiia Prof Abyan ayaa socod lug ah ku maray Gudaha Degmada Dila .
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Madaxweyne ku xigeen iyo waftigii hogaaminayeen ayaa uga sii gudbay Gobolka Awdal .
Waxaana markii ay gaadheen Khayryada Magaalada Borama la kulmeen soo dhawayn balaadhan .
Murashaxiinta ayaa bulsahda Reer Borama kala qeyb galay Banaan bax balaadhan oo Xisbigu ku soo bandhigay Cududdda Taageero ee ay ku leeyihiin Gobolka Awdal .
Waxaa halkaasi khudbado kala gaddisan ka jeediyay madax isugu jiray heer gobol iyo heer degmo iyo waliba masuuliyiin kale, kuwaas oo ku nuux-nuuxsaday awooda uu xisbigu ku leeyahay Gobolka Awdal .
Waxaanay sheegeen in Xisbiga UCID maanta yahay kan ugu rajada fiican ee ku guulaysanaya doorashada, maadama uu haysto kalsoonida dhalinyarada iyo dadka caqliga u saaxibka ah ee jecel horumarka dalka .
Gudoomiye ku Xigeenka Kowaad Ee UCID C.naasir Buuni oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga UCID yahay xisbiga Badbaadada Somaliland .
Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID Por Axmed Cabdi Abyan oo halkaasi uga khudbadeeyay bulsahda reer borama aya ugu baaqay in ay u codeeyaan Xisbiga midnimada Somaliland .
Ugu Dambayn Waxaa halkaasi khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Murashaxa Madaxeyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Waxaanu bulshada ugu baaqay in ay codkooda ku badbaadiyaan Mustaqbalkooda, isagoo ku dheeraaday hagardaamooyinka Xisbiyada kale ku hayaan Bulshada Reer Somaliland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here