Home Wararka Xisbiga UCID Laantiisa Dalka Finland Ayaa Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Qabtay...

Xisbiga UCID Laantiisa Dalka Finland Ayaa Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Qabtay Dhalinyarada Ururka Samadoon Ee Finland.

14
0

Helsinki ( UCID-Media Group ):-Xisbiga Ucid laantiisa dalka Finland ayaa Munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay dhalinyarada ururka Samadoon ee Finland.
Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay hogaanka xisbiga Ucid ee Finland iyo sidoo kale qaar ka mid ah waxgaradka jaaliyada Somaliland ee magaalada Helsinki.
Xafladan oo ku qabsoontay xafiiska Xisbiga Ucid ee Helsinki ayaa waxa ugu horeyn ka hadashay gudoomiyaha abaabulka iyo wacyi gelinta Ucid ee Finland marwo Farxiya Cabdi iyadoo u mahad naqday dhalinyarada Samadoon ee gartay in danta iyo mustaqbalka Somaliland ay ku jirto in la doorto Xisbiga Ucid.
Sidoo kale waxa iyaduna kulankan ka hadashay gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka ee Finland marwo Naciima Aden Indha Yare oo halkaasi ka jeedisay kelmad soo dhaweyn iyo duco ah.
Marwo Naciima waxay sheegtay in ay dhawaan u socdaali doonto dalkii hooyo,iyadoo xubnaha gudida iyo taageerayaasha xisbigaba ku gubaabisay inay dedaalka sii badiyaan si xisbigu himiladiisa u gaadho.
Waxa isaguna hadal aad u dareen badan ka jeediyey aqoon yahan Cabdirashid Cumar Siciid oo ku hadlayey afka dhalinyarada Samadoon ee dalka Finland.
Cabdirashid waxa uu farta ku fiiqay qabyaalada,Eexda,musuqmaasuqa iyo danaha gaarka ah ee umadeena dib uga reebay horumarka.
Sidoo kale aqoon yahanka Cabdirashid Cumar wuxuu ku nuuxnuuxsadey in dhalinyaradii Somaliland ay ka bislaatay qabyaaladii isagoo shaaca ka qaaday inay ka quusteen in qabiil wax u qaban karo.
Ugu dambeyntii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Finland Mustafe Maxamed Cali (Mustafe Taajir) isagoo kula dardaarmay guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan dhalinyarada in mustaqbalka Somaliland ku xidhan yahan ciday codkooda siiyaan.
Gudoomiyuhu wuxuu si farshaxan ka muuqdo u sharaxay sababta Xisbiga Ucid uu ku guuleysan doono doorashada soo socota,isagoo xusay in labada xisbi ee kale ay cod ka sugayaan odayasha iyo cuqaasha reeraha halka xisbiga Ucid uu codka ka sugaya dhalin yarada iyo haweenka Somaliland.
Ugu dambeyntii wuxuu gudoomiyuhu madasha ka  sheegay in ay qaban doonaan xaflado aad u balaadhan oo ka dhici doona dhamaan magaalooyinka dalka Finland.IMG-20170529-WA0006 IMG-20170529-WA0005 IMG-20170529-WA0003 IMG-20170529-WA0004 IMG-20170529-WA0002






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here