Home Wararka Xisbiga UCID ayaa maanta Gudoomay Murashaxiin tiradoodu dhantahay Shan Murashax oo ka...

Xisbiga UCID ayaa maanta Gudoomay Murashaxiin tiradoodu dhantahay Shan Murashax oo ka sharraxan Hargaysa Iyo Sallaxley.

21
0

Hargeysa(UCID-Media Group) Xisbiga UCID ayaa maanta Gudoomay Murashaxiin tiradoodu dhantahay Shan Murashax oo ka sharraxan Hargaysa Iyo Sallaxley.

Waxaana Murashaxiintan galbinayay Guddida Horumarinta Beesha Gaashaambuur(Ciidagale), oo ka koobnaa, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo waxgarad kale.

Murashaxiintan ayaa ah kuwo la isku raacay oo deegaanku soo xulay, isla markaana Guddidu Ansixisay, kadibna Keentay Xisbiga UCID.

Waxaa Gudoomay Murashaxiintan Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga C.naasir Yuusuf Cismaan Qodax.

Murashaxiintan ayaa kala ah:-

1.Maxamed Khadar Daahir.

Murashaxa Golaha Wakiilada ee G/jeex.

  1. C.kariin Xassan Cabdi Garas.

Murashaxa Golaha Deegaanka Hargaysa.

  1. Abdilahi Ibrahim Xasan Hayl.

Murashaxa Golaha Deegaanka Sallaxley.

4.Jamac Muxumed Maxamed Cabdi.

Murashaxa Golaha Deegaanka Sallaxley.

  1. Axmed Maxamed Muxumed Mire.

Murashaxa Golaha Deegaanka Sallaxley.

Dhamaan Murashaxiintan ayaa qabsan-doona Xafladaha Wanqalka Murashaxnimadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here