Home Wararka Xisbiga UCID ayaa maanta Guddoomay Laba Murashax oo ka sharraxan Gobolka Saaxil.

Xisbiga UCID ayaa maanta Guddoomay Laba Murashax oo ka sharraxan Gobolka Saaxil.

16
0

Berbera (UCID-Media Group)

SAWIRRO: Xisbiga UCID ayaa maanta Gudoomay Laba Murashax oo ka sharraxan Gobolka Saaxil.

Munaasibad qado ah oo maanta ka dhacday Magaalada Berbera, ayaa odayaasha iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda mid kamid Beelaha Dega Berbera ay maanta Xisbiga UCID ku wareejiyeen labadaas Murashax.

Waxaana gudoomay Hogaanka sare ee Xisbiga UCID Oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Labadan Murashax ayaa kala ah, Murashax Maxamed Maxamuud Maxamed oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Iyo Murashax Cali Jaamac Caraale (Cali Qaran) oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Saaxil.

Xisbiga UCID ayaa hantay haldoor-ka Murashaxiinta Gobolka Saaxil, iyadoo todobaadadan-ba ay socdeen Munaasabado lagu shaacinayo Murashaxiinta xulka ah ee Gobolka Saaxil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here