Home Wararka Qeybta Kowaad Ee Sawirada:- Waxaa caawa magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil...

Qeybta Kowaad Ee Sawirada:- Waxaa caawa magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka qabsoontay, xalfadda shaacinta Murshax Maxamuuf Maxamed Jaamac oo u taagan Doorashada Golaha deeganka Degmada Berbera iyo Axmed Cali Nuur oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Saaxil.

15
0

Berbera (UCID-Media Group)

Qeybta Kowaad Ee Sawirada:- Waxaa caawa magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka qabsoontay, xalfadda shaacinta Murshax Maxamuuf Maxamed Jaamac oo u taagan Doorashada Golaha deeganka Degmada Berbera iyo Axmed Cali Nuur oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Saaxil.

Waxaana kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Guddoomiye ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saed Omar (Siciid-ucid), Xoghayaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax , Xoghayaha Xidhiidhka gobollada Abdiqani Ibrahim Salaf , Xoghayaha Xidhiidhka Laamaha Dibadda Iyo Xarunta Dhexe Mustapha Abdirizak Hussein, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cabdi Cilmi iyo Madaxda Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil, Madax dhaqameed, Aqoonyahan, Waxgarad, Dhalinyaro, Haween iyo taageerayaal Tiro-badan.

Dhamaan masuuliyiintii iyo mudantii halkaas ka hadashay, waxay isku raaceen in Murashaxiintan yihiin xul balse aanay ahayn xal.

Waxaanay taageerayaasha ugu baaqeen inay Murashaxiintan u hiiliyan una codeeyaan maalinta doorashada, inta ka horaysana ay bar-bar taagnaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here