Home Wararka Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Waxa Uu Tacsi Tiiraanyo Leh Diraya Eheladii,...

Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Waxa Uu Tacsi Tiiraanyo Leh Diraya Eheladii, Qarabaadii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuum Xuseen Maxamed Aadam ( Tanzani) Oo Magaalada Boston Ku Geeriyooday Habeenkii Xala

16
0

bismillah

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

cropped-ucidbutton_01.jpg

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

 

لااله الاالله

انالله وااناليه راجعون

قال الله تعالي

(( يأيتها النفس المطمئنه ارجعي الى ربك راضيه مرضيه وادخلي في عبادي وادخلي جنتي)) .. !!

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ

“وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُور “

Ref/UCID/01/2017 Date: 14/01/2017

UJEEDDO/ Tacsi Tiiraanyo leh

{Xisbiga UCID Wuxuu Si Gaara Ah Tiiraanyada Ula Wadaagayaa Dhamaan Qayska Reer  Xuseen Maxamed Aadam Xuseen Tanzani

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Maxamed Aadam Tanzani  (1943-2017)

Hargeysa (UCID-Media Group ) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Caddalada iyo Daryeelka UCID Ahna Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID , isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka Hogaanka Sare Ee Xisbiga UCID , ka guddida Fulinta Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID , waxa uu tacsi Tiiraanyo Leh u dirayaa qoyskii, Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland  Oo Uu Uga Tacsiyaynayo  Geerida Ku Timi Marxuum Xuseen Maxamed Aadam  (Tanzania) Oo Xalay ku Geeriyooday Dalka USA Gaar ahaan Magaalada Boston

Maxuum Xuseen Tanzani Wuxuu Ahaa Professorkii Ugu Horeeyey Ee Soomaaliyeed Ee Caalamka Si Toosa Looga Aqoonsado.

Waxaa Uu Ahaa Nin Ku Xeel Dheer Culuunta Siyaasada. Mana Jirin Cid Afrikaan Ah Oo Kaga Xeel Dheereyd Markay noqoto Culuunta Siyaasada ( Political Science).

 

Alle Godka Ha U Nuuree Wuxuu Ahaa Bud Dhigihii Ama Aasasihii Somali Studies International Association.

Gadaal ayaan ka Soo Qori doonaa Taariikh Nololeedkii Xuseen Maxamed Tanzania

Guddoomiye Faysal Cali waxa uu marxuumaka  ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

اللهم اغفر له وارحمه وأدخله جنات النعيم
اللهــــم .. يا حنَّان ، يا منَّان ، يا واسع الغفران ، اغفر له و ارحمه ، و عافه و اعف عنه ، و أكرم نزله ، و وسع مدخله ، و اغسله بالماء و الثلج و البرد ، و نقِّه من الذنوب و الخطايا كما ينقَّى الثوب الأبيض من الدنس

Amiiiiin Amiiiin Amiiiin

Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Eng Faysal Cali Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here