Home Wararka Xarumaha Dhexe Xisbiga Mucaaridka UCID Ee Goboladda Somaliland Oo Si Habsi ah...

Xarumaha Dhexe Xisbiga Mucaaridka UCID Ee Goboladda Somaliland Oo Si Habsi ah Uga Socoto Kala Xulista Iyo Qabashadda Araajida Murashaxiinta Doorashadda

17
0

Boorama (UCID-Media Group)

Xarumaha Dhexe Xisbiga Mucaaridka UCID Ee Goboladda Somaliland Oo Si Habsi ah Uga Socoto Kala Xulista Iyo Qabashadda Araajida Murashaxiinta Doorashadda

Xisbiga Mucaaridka ee UCID’ ayaa Dhamaan Goboladda Somaliland Xarumaha Xisbigu ku leeyahay Waxa Ku Sugan Madaxda Hogaanka Xisbiga UCID ka Tirsan kuwaas oo iyaga oo iyaga Masuuliyiinta Heer Gobol ee Goboladda Dalka u jooga Xisbiga UCID la shaqaynaaya waxay si Habsami ah Xarumaha Uga wadaan Shaqada Kala Xulista iyo arji ka qabashadda Xubnaha Xisbiga uga qaybgeli doona Doorashadda Golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanadda ee 31 May 2021 ingau soo fool leh inay Somaliland ka qabsoonto

Ugu horayn Xarumaha Goboladda Dalka ee Xisbiga Ucid uu ku leeyahay ee ay hawshaasi sida habsami uga socoto waxa ka mida Xisbiga Ucid ee Gobolka #Awdal’halkaasi oo uu ku sugan yahay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee UCID Abdinasir Yussuf Osman Qodax, isaga oo hawshaas gobolkaasi ka socota uu hormuud ka yahay.

Sidoo kale, Murashaxiinta Gobollada kale ayaa iyagana laga xaraynayaa Foomamka, iyadoo masuuliyiin kala duwani ay u kala baxen gobollada.

Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mudane Saed Omar Siciid-ucid iyo Koox uu hogaaminayo ayaa ku sugan #Saaxil, kuna gudo-jira Xaraynta Foomamka Murashaxiinta Gobolkaasi.

Gudomiye ku Xigeenka labaad #Abdirashid_Basbas iyo koox kale Aya ku sugan #Sanaag

Halka Prof Ahmed Muse Abyan iyo team-kiisu ku sugan yahay Gobolka #Sool

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mahamud Ramaax iyo kooxdiisa aya iyana hawsha ka wada Gobolka #Togdheer

Waxaana maalmaha soo socda, Guud ahaanba Gobollada si isku mid ah uga socon-doonta Xaraynta Foomamka Murashaxiinta Xisbiga UCID ee ka sharraxan Gobollada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here