Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa xalay Magaalada Berbera kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax Xaliimo Xuseen Yuusuf oo u taagan doorashada Golaha Wakiilada Iyo Murashax C.raxman Rooble Xuseen oo u taagan doorashada golaha deegaanka Berbera.

21
0

Berbera (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa xalay Magaalada Berbera kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax Xaliimo Xuseen Yuusuf oo u taagan doorashada Golaha Wakiilada Iyo Murashax C.raxman Rooble Xuseen oo u taagan doorashada golaha deegaanka Berbera.

Waxaana xafladdan kasoo qeyb-galay, Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee UCID Mudane Siciid Axmed Cumar(Siciid-ucid), Xoghayayaal, Murashaxiin, Madaxda Xisbiga ee Gobolka, Aqoonyahan Iyo Waxgarad kale.

Xafladan ayaa ahayd si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay hoolka xafladda soo buux-dhaafiyeen taageerayaal-badan.

Sidoo kale, xafladan ayaa ahayd tii kowaad ee loo qabto Murashaxad Haween ah oo ay isku raaceen Deegaankeedu.

Xisbiga UCID, ayaa ah Xisbigii u horreeyay ee Haweenay sharraxa, sidoo kale waa Xisbiga ay doorkan Haweenka ugu badan ka sharraxan-yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here