Home Wararka XAQU MAAHA FARABADNAANTA , QOLYO AAN XISBIGA UCID KUBA JIRIN OO UU...

XAQU MAAHA FARABADNAANTA , QOLYO AAN XISBIGA UCID KUBA JIRIN OO UU GUD ENGINER FAISAL XILKII KA XAYUUBIYAY AYAA ISKU ARKA XAQ IYO XISBIGII , SIYAASAD IYO XISBINA SHEEGANAYAA , SIDA XASAN SABCE IYO MAXAMED HAARUUN OO ISAGU IS CASILAY MUDDO AAN DHAWEYN DACWADINA AANAY KA DHAXAYN BAL INAY IYADUBA YAABTAY !

14
0

XAQU MAAHA FARABADNAANTA , QOLYO AAN XISBIGA UCID KUBA JIRIN OO UU GUD ENGINER FAISAL XILKII KA XAYUUBIYAY AYAA ISKU ARKA XAQ IYO XISBIGII , SIYAASAD IYO XISBINA SHEEGANAYAA , SIDA XASAN SABCE IYO MAXAMED HAARUUN OO ISAGU IS CASILAY MUDDO AAN DHAWEYN DACWADINA AANAY KA DHAXAYN BAL INAY IYADUBA YAABTAY !DSCN4659

Xaqa ama sida saxda ahi maaha farabadnaanta dadka hoda , waxaan arkaa qolyo yidhaa Eng Faisal waa kelidii o saaxibadii wuu ka dhex baxay , waxuu ku doodayaana waa xisbi uu kelidii leeyay , qolyahaa waxaan leeyay waanu badanay xaq kuma tihidin , waa kelidii o dhalintaa aad yarida ku sheegaysaana waa hogaamiyeyaal uu carbinaayo oo uu soo saaraayo halkaad idinku aydaan carbin da’yar hogaana o beri ka maalin talindoonta , hadaad ku sheekaynaysaan waa kelidiina waxaan idinleeyay kelidii maahee Xisbiga Ucid ayaa u dhisan min gudo ilaa dibad .

Eediinu waxay ka bilaabantay oy ku dhamaatay cidbuu u shaqeeyaa ama ragbaa ka fushaday danahoodii o banaan kaga dhaqaaqay , waxaan idinleeyay Eng Faisal cid uma shaqeeyee Xisbiga Ucid ayuu u shaqeeyaa e waydaan arkayn ama isdiidsiinaysaan xaalada siyaasadeed e xisbigu galay e u baahan critical evaluation qiimayn dhaba o xaqiiqada ku qotonta .

Eng Faisal sifo sharciya o xeerka xisbiga waafaqsan ayuu go’aankii gudida ka qaatay o ma waafaqsana sharciga iyo xeerka xisbiga ba toona gudi aan isaga hoos imanayn inay shir aan caadi ahayn ama kalfadhi qabtaan xaqna wuu u leeyay inuu ka saaro waxii aan waafaqsanayn , waxa kale o meesha taala maalintii heshiiska la gelaayay qolyihii Udub ka yimid ma awood la qaybsadaa kalfadhigii lagu shaqeeyay lagu qabtay mise shir uu isagu ka engineer ahaan uu qabtay qabashada shirka ayaa lagu shaqeeyay ?

Aduunka afkaartu way is hirdidaa e qofka tiisa xaq u arkaw habeen maad jirin , waxaan leeyay xisbigu xeer iyo sharcuu leeyay shirarkiisa u ku qabto , siyaasad na wuu ka duulayaa gudoomiyihu wax ku oolee horena umaydaan arag maantana ma arkaysaan intaad qolo aan xisbiga ka tirsanayn o uu isagu ka qaaday xasaanadii xisbiga aad u haysataan inay xisbiga matalaan haday tahay Xasan Sabce iyo haday tahay ina Haaruun iyo haday tahay cidkasta oo uu ka qaaday xilkii u xisbiga ka hayayba .

Doodii iyo dacwadii la galay waxa dacwadu ka dhaxaysay Isaga ka gudoomiye ahaan iyo musharaxa xisbiga iyo gudoomiye xigeenka sadexaad siday cadeyeen gudidii ururada iyo axsaabtu oo iyaguna ku xidhan shir wayne aan caadi ahaynoo doodu maanta taagantay taasna xaqbuu u leeyay inuu kusoo dabaalo sharciyada xisbiga oo macnaheedu yahay siduu kalfadhigii 5 aad ee xisbiga ucid ugu galay heshiiska ee uu isagu lahaa awooda qabashada shirka inuu maanta xaq ugu leeyay awooda qabashada shirka , waxaan u arkaa qolyahaaa enginerka ku qaylinayaa inay cidla ka onkodayaan siyaasad na aanay ka dhawaajinayn ee uu jini ka qaylisiinaayo la yidhaa ku qayli uun o waxaanad xaq u lahayn sheego o ku dhawaaq oo ku ori sidii qaylo am a orini siyaasad wax ka tarto waxba ka tartee .

Waxaan leeyay enginerku siyaasad bay ku qotontaa aragtidiisuye maaha mid loo yeedhiyo sida uu dalka ugu leeyay fikrado wax ku oola sida shirkii samawade iyo siyaasada dalka ka jirta ee ugu dhuun daloolo siyaasadaha dibadana uunbuu ta xisbigana uga shaqeeyaa .

Waxaan u arkaa meel ka dhac iyo gef iyo inlaga madhanyay aragti siyaasadeed in la yidhaa cid buu u shaqeeyaa een loo arag inuu xisbiga u shaqeeyo .

Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga ucid
Mudane Abdilahi Sh.Xasan Dayaan (Kaiser )DSCN4659

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here