Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo...

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Uga Hadlay Dacwad La Sheegay In Maamulka Taagta Daran Ee Soomaaliya u Gudbisey Dawlada Turkiga Oo Ku Saabsan Passportka Somaliland

16
0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Uga Hadlay Dacwad La Sheegay In Maamulka Taagta Daran Ee Soomaaliya u Gudbisey Dawlada Turkiga Oo Ku Saabsan Passportka Somaliland
20160828_123128
Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka hadlay dacwad la sheegay in Maamulka taagta daran ee Soomaaliya ka gudbisay Somaliland waxaana guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku bilaabay hadalkiisii sidan:-

“Dawlad jirta ayaa wax gudbisa ee tuugo meel iskugu tagtay oo magaca Somaliya wax ku cunaysa waxna aan qabanaynin oo qabyaalad ku fadhiya oo is wada xaasidaya oo inagana cadawgeena ah oo aan horumarkeena iyo dedaalkeena aan raali ka ahayn wax alaale wax ay inaga qaadayaan ma jirto, dacwadana mid wax u taraysa oo laga yeelayo Turkiguna uu ka qaadanayo maaha, Somaliland iyo Turkigu xidhiidh bay lahaan jireen ilaa qarnigii 17aad, markaas dawlad aan jirin waxba ka qaadan mayaan.” sidaas ayuu yidhi Faysal, oo intaas raaciyay “Maalin walba waxa inoo muuqanaya xaasidnimada calool xumada iyo xigdiqa nimankaas Somaliya ee isku sheegaya inay Dawlad yihiin, waxaan leeyahay Shacabka Somaliya waa Shacab aanu halgankii wada galnay oo aanu wada ridnay dawladii Siyaad Barre, wanaag baa naga dhexeeya, ee waxaan leeyahay nimankaas sida khaldan xukunka u yimid Somaliland waa qaran, oo waa dawlad oo waa dal ee ha ku daalina, niyadana ka saara.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa yidhi “Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Cabdisalaan oo ka soo jeeda Somaliland, oo ah nin aanu saaxib ahaan jirnay oo aanu meel ku soo wada kornay waxa uu dheeraaday Wasiiraddii Arrimaha Dibadda ee Somaliya soo maray, nacayb uu neceb yahay Somaliland oo xitaa iyagii ayaa la yaaban”.
20160828_123128

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here