Home Wararka Xafladii Ugu Balaadhnayd Oo Maanta Xisbiga UCID Ku Qabsaday Magaalada Borama, Isla...

Xafladii Ugu Balaadhnayd Oo Maanta Xisbiga UCID Ku Qabsaday Magaalada Borama, Isla Markaana Soo Dhaweeyay Taageerayaal Miisaan Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi .

23
0

Xafladii Ugu Balaadhnayd Oo Maanta Xisbiga UCID Ku Qabsaday Magaalada Borama, Isla Markaana Soo Dhaweeyay Taageerayaal Miisaan Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbigaasi .

 

 

Xisbiga UCID ayaa xafladii ugu balaadhnayd ku qabsaday Magaalada Borama, taas oo ay ku soo dhaweenayeen Taageerayal miisaan leh oo ku soo biiray Xisbigaasi .

Taageerayaashan oo ka soo jeeday Xaafado ka mid ah Magaalada Borama iyo Ururo ka dhisan Magaaladaasi oo kala ah Ururrada Jimciyatu Raxma, Hiil Walaal, Iyo Xaafadaha jaris, Badda-Cas, Shacabka Iyo Sheekh Cismaan ayaa Cududoodi ku biiriyay Xisbiga UCID .

Xafladan oo ka dhacday Rays Hotel Ee Borama ayaa ahayd Xaflad ilyartu is qabatay, taas oo ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal laxaad leh oo reer Borama ah .

Waxaana xafladan ka qeyb galay Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbigaasi oo uu hormuud u ahaa Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Madaxda Gobolka Awdal Ee Xisbiga UCID, Madaxda Ururada Ku biiray Xisbiga UCID iyo taageerayal tiro badan oo ka soo qeyb galay Xafladaasi .

Waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay Gudoomiyaha iyo Madaxda Xisbiga UCID waxaanay gacmo-furan ku soo dhaweeyeen Taageerayashaas ku soo biiray Xisbiga UCID, Waxanay sheegeen in Gudoomiye Faysal Yahay Reer Borama .

Madaxda Ururada ku biiray Xisbiga UCID iyo Masuuliyiintii kale ee ka soo jeeday Xaafadaha Magaalda Boorama eeku soo biiray Xisbiga UCID oo halkaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka cadeeyay in ay ku biireen Xisbiga UCID oo ay cod iyo cudud-ba la barbar taaganyihiin Xisbiga UCID .

Gudoomiyihii Kaambeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal ayaa xafladaasi ka shaaciyay in uu Xilkii uu u hayay Xisbiga KULMIYE uu iska Casilay, isla markaana uu maanta ku biiray Xisbiga UCID .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo gunaanadkii Xafladaasi ka jeediyay Khudbad taarikhiya oo dhinacyo badan taabanaysaa ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ururada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga UCID, waxaanu bulshada Reer Borama uu ugu baaqay in ay Codkooda Siiyaan Xisbiga UCID .

Xafladan intii ay socotay waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Ciyaaro dhaqameed kala gaddisan, iyadoo xafladaasina ay ku soo dhamaatay Jawwi Degen .

 

IMG_8368 IMG_8371 IMG_8374 IMG_8391 IMG_8407 IMG_8412 IMG_8415 IMG_8420 IMG_8422 IMG_8427 IMG_8429 IMG_8439 IMG_8442 IMG_8453 IMG_8454 IMG_8465 IMG_8469 IMG_8473 IMG_8491 IMG_8493 IMG_8500 IMG_8511 IMG_8513 IMG_8516 IMG_8522 IMG_8523 IMG_8524 IMG_8226 IMG_8233 IMG_8260 IMG_8262 IMG_8263 IMG_8270 IMG_8276 IMG_8283 IMG_8289 IMG_8293 IMG_8299 IMG_8301 IMG_8305 IMG_8312 IMG_8315 IMG_8325 IMG_8328 IMG_8335 IMG_8339 IMG_8340 IMG_8348 IMG_8356 IMG_8366 IMG_8367 IMG_8371

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here