Home Wararka “Wasiiradii Borama Waxay Bilaabeen In Ay Wax Xidh-xidhaan, Horena Waxaa U Dhacday...

“Wasiiradii Borama Waxay Bilaabeen In Ay Wax Xidh-xidhaan, Horena Waxaa U Dhacday In Xisbi Xidho Murashaxiin Xisbi Kale,Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.

15
0

Hargeysa (UCID-Media Group)”Wasiiradii Borama Waxay Bilaabeen In Ay Wax Xidh-xidhaan, Horena Waxaa U Dhacday In Xisbi Xidho Murashaxiin Xisbi Kale, Komishankiina Kama..,” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbad ka jeediyay, shirka wada-tashiga Saamillayda Doorashooyinka Somaliland oo caawa ka furmay Hargaysa.

Waxaana shirkan ka qeyb-galay, Safiiro ka socday waddamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka ee beesha Caalamka, Ururrada aan dawliga ahayn, Komishanka Iyo Xisbiyada.

Shirkan, ayaa waxaa lagaga hadlay qodobbo muhiima oo la xidhiidha Doorashooyinka.

Xadhiga Murashaxiinta UCID, ayaa kamid ahaa qodobbadi ay Xisbiyada Mucaaradku ay carrabka ku adkeeyeen ee lagu lafa-guray Shirkii Caawa.

Sidoo kale waxay Xisbiyadu Farta ku fiiqeen wax ka baddal lagu sameeyay warqaddii Dambi La’aanta oo Murashaxiintu ka qaadan-jireen Xarunta CID-da, Balse uu Gudoomiyaha komishanku uu amray in laga qaato Xeer ilaalinta, waxaana ay Xisbiyadu ku tilmaameen mid aan sax ahayn, Gudoomiyaha Komishankuna aanu awooddaas lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here