Home Wararka WARGELIN MUHIIM AH :- CODSI KU SOCDA WARBAAHINTA MAXALIGA AH IYO...

WARGELIN MUHIIM AH :- CODSI KU SOCDA WARBAAHINTA MAXALIGA AH IYO TA DIBADA

16
0

WARGELIN  MUHIIM AH :- CODSI KU SOCDA WARBAAHINTA MAXALIGA AH IYO TA DIBADA

DSCN4659

Hargeysa (UCID-Media Group) Waxa jira hab fawda ah oo loola dhaqmo warbaahinta taasoo khalkhal galin looga jeedo , markasta waxa haboon in warbaahintu nidaamka jira ay ku salayso shaqadeeda si aanay u dhalan inay abuuranto kalsooni daro laga qaado shaqadeeda .

Maalmahan waxa jira oo soo kordhaya fawdo ka dhan ah xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee  UCID oo laga weeraro warbaahinta dalka ka jirta iyo ta dibadaba, taasoo keenta in loo adeegsado magacyo aanay lahayn masuuliyiin sheegta inay ka hayaan xisbiga UCID sidii dhacday maalmihii khilaafkii xisbigu bilaabmay . Maanta waxa jira dad iyaguna xisbiga ka tirsan o si khaldan xisbiga ugu jira aan haysan majaraha xisbigu ku socdo kuwaasoo jecel inay masuuliyada xisbigana ahaadaan hadana ku kaca falal kazoo horjeeda.

Taasi waa fawdo iyo qas maamulka ku habsaday oo aan keenayn hab u socodkii xisbigu ku socday , jabinaya niyada shacabku u hayo xisbiga si uu uga qayb qaato horumarka dalka ka jira ee axsaabta tirada badan Xisbigu waa dawlad yar oo hawl maalmeed iyo mid mustaqbalba qabta oo ka shaqeeya si uu himiladiisa siyaasadeed u gaadho .

Hadaba waxaan ka codsanayaa warbaahinta inaanay qaban wararka kana fogaadaan cid kasta oo xil laga qaaday ama xisbigu ka joojiyay shaqada xisbiga mid qoraal iyo mid warbaahineed ba hadi kale taasi keenayso in warbaahinta sharciga xisbiga ee dhaawaca (defamation ) ka ay u gaysanayso loola tiigsado sharciga dibad iyo gudaba . Kulamada aanay wadin saraakiisha xisbigu sida xafladaha iyo kulamada shacabka ee taageerada ahi waa qaar ku kooban taageero lkn aan ahayn qaar xisbiga ka turjumaya , taasina warbaahintu u adeegsan mayso magaca xisbiga , waxii xisbigu wado iyagaa siinaya ogolaanshaha warbaahinta lkn waxa haboon inay warbaahintu ka fogaato wararka aan waafaqsanayn nidaamka xisbiga ee sida khaldan loogu magacaabayo xisbiga .

Dhamaan dadka jecel inay adeegsadaan magaca xisbiga iyagoon ka hayn xil ama xubin ka ahayn xisbiga waxa laga codsanayaa warbaahinta inaanay magaca xisbiga ku baahin warbaahinta . warbaahintuna aanay warkooda ka xisbi ahaan u baahin .

Allah mahad leh

Xoghayeha Abaabulka iyo Wacyigelinga xisbiga UCID

Mudane Abdilahi Sheikh Xasan Dayaan ( Kaiser )

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here