Home Wararka War Gelin Muhiim Ah :- Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe...

War Gelin Muhiim Ah :- Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu Qoraalkan ku War galinayaa Dhamaan inta ay khusayso in uu dhawaan Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID uu magacaabay Xilal Sharciga Xisbiga Baal Marsan.

16
0

bismillah

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

 A UCID

Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

ReF:UCID      10 2016

                                                                                                             Date 15-01-2016

Ku: Dhamaan Laamaha Debeda Xisbiga UCID 

OG: Musharaxa Xisbiga UCID 

OG: Gudida Fulinta 

UJEEDO/ War-galin Muhiim Ah

Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Waxaa uu Qoraalkan ku War galinayaa Dhamaan inta ay khusayso in uu dhawaan Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID uu magacaabay Xilal Sharciga Xisbiga Baal Marsan. Magacaabistaasina ay joojisay Hawl maalmeedkii shaqo qaybo ka mida laamaha debbada

Haddaba Waxaa lala socod siinayaa dhamaan inta ay warqadani sida tooska ah ugu socoto, Xeer hoosaadka Xisbiga UCID iyo Sharciga Xisbiga UCID midna aanay ku qeexnayn meelna aanay kaga jirin Magacaabistaasi isla markaana aan la gaadhin xiligii kaambaynka oo anay Sharci ahayn xisbigana aanay matali Karin dadkaas la magacaabay 

Ugu danbayntii Xisbi ahaan Waa in aynu dhawrnaa Sharciga iyo kala Danbaynta Xisbiga UCID, waxaana laamaha Debada la la Socodsiinayaa in ay Shaqadoodii Sidoodii u wataan hawl maalmeedkoodi shaqana gutaan.

Eng Faysal Cali Waraabe 

————–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here