Home Wararka War Deg Deg Ah:- Guddoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Mucaaridka...

War Deg Deg Ah:- Guddoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen Iyo Prof Cali Khaliif Galaydh Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Saaka Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Oo U Kicitimay Dalka Djabouti.

25
0

War Deg Deg Ah:- Guddoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee  Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Xuseen Iyo Prof  Cali Khaliif Galaydh Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Saaka Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa  Oo U Kicitimay Dalka Djabouti.

Hargeysa(UCID_Media Group) Prof Cali Khaliif Galaydh iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka subaxnimadii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Ujeedada waftigan uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh ayaa ah sidii ay uga dhoofi lahaayeen madaarka magaalada Hargeysat isla markaana ay uga qayb gali lahaayeen wajiga labaad ee wada hadalada Dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo ka bilaabmaya dalka Jabuuti.1-18
Waftigan oo xalay seexday magaalada Burco saakana hiirtii kasoo kallahay ayaa waxa dabley hubaysan oo ciidan ah isla markaana abaabulan ay shalay u diideen inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle,waxaana taasi ay sababtay in Prof Cali Khaliif Galaydh iyo waftigan ay magaalada Buuhoodle kaga soo baxaan safar dhulka ah iyaga oo hargeysa saaka soo gaadhay.
wafigan ka socda Kooxda Khaatumo ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa waxa si wayn us oo dhaweeyey madax-dhaqameed iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga  UCID Eng Faysal Cali Waraabe  oo ku sugaayey Ambassador Hotel oo ay ku balansanaayeen ,
Prof  Cali Khaliif Galaydh iyo waftigan ayaa goor dhaweyd ka dhoofay madaarka  magaalada Hargeysa iyaga oo usii jeeda dalka jabuuti isla markaana halkaasi ay ka bilaabmi doonaan sida lagu wado maalinka barri ah wajigii labaad ee wada hadalada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.
Gabagabadiina waa markii u horeysey ee Muddo badan kadib uu Prof Cali Khaliif Galaydh soo gaadho magaalooyinka Hargeysa,Berbera,Burco Iyo Caynaba.3-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here