Home Wararka Wada Hadaladii Somaliland Iyo Cali Khaliif Oo Lasoo Gunaanaday,Qodobada Kasoo Baxay Iyo...

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Cali Khaliif Oo Lasoo Gunaanaday,Qodobada Kasoo Baxay Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warbixiyay

22
0

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Cali Khaliif Oo Lasoo Gunaanaday,Qodobada Kasoo Baxay Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warbixiyayshirka 2Hargeysa ( UCID-Media Group ) Wada Hadaladii Somaliland Iyo Cali Khaliif Oo Lasoo Gunaanaday,Qodobada Kasoo Baxay Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warbixiyay

Kulankii labaad ee Waddahadalada Somaliland iyo cali khaliifayaa Maanta Jabuuti kusoo Gabogaboobay,isaga oo shirkani daba socoday Shirkii 17 December ee Sanadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Xarunta Dalka Itobiya ee Addis-Ababa,kaasi oo ay ka soo baxeen Qodobbo 11-ka kooban oo ay labada Dhinac kala Saxiixdeen.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuutiayaa sheegay in ay dhawaan saxaafadda si wada jir ah ula hadli doonaan,balse waxa uu Tilmaamay in dib u eegis lagu samaynayay Qobaddii hore loogu heeshiyay,waxyaabaha ka hirgalay iyo wixii aan ka hirgalin,waxa kale uu intaa ku daray ay haddana Dhakhso ugu soo laaban doonaan oo kulan sadexaad loo balan sanyahay.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Faysal hoosta ka Xariiqay in arimaha nabadayntu ay Cadaw badan leeyihiin oo ay ugu danbeeysay buu yidhi Talaabadii Prof Cali Khaliif Galaydh lagula kacay ee ay ka hor istaageen in uu kasoo dhoofo Garoonka Buuhoodle,taas oo dhalin yaro ay soo hawl galiyeen Maamulka Puntland soona hubeeyeen ay hawshaa ku talaabsadeen.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu u mahadnaqay Wax garadka iyo Odayaasha Deegaanka Buuhoodle oo uu sheegay in ay sicad uga xumaadeen ugana soo horjeesteen talabaadaas lagula kacay Prof Cali Khaliif Galaydh oo Nin Weyn oo Odaya ah.

Ugu danbeyntii waxa uu Faysal Cali Waraabe Hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay in ay Maanta Madaxweynaha Dalkiisu Marti galiyay kulanka ay is arkeen isla markaana uu u Duceeyay in ilaahay Hawshaa is Afgarad ku dhamaado shirkaasiScreenshot_20170209-1833554 shirka 2 shirka1(2)

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here