Halkan Ka Akhriso Nuxurka Qoddobada Kasoo Baxay Wada Hadalkii Dalka Jabuuti Uga Somaliland iyo Khaatumo Oo Soo Dhamaaday

Filed under: Wararka |
Facebooktwitterredditpinterestlinkedinmail

Halkan Ka Akhriso Nuxurka Qoddobada Kasoo Baxay Wada Hadalkii Dalka Jabuuti Uga  Somaliland iyo Khaatumo Oo Soo Dhamaaday

20170211_150517

Hargeysa(UCID-Media Group )-Wada hadalkii muddada dhawrka cisho ah dawlada Somaliland iyo Khaatumo uga socday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa jawi is afgarad ku soo dhamaaday ayaa waxa kasoo baxay qoddobo dhawr ah.

Qoddobada  oo nuqul kamid ah soo gaadhay UCID-Media Group kaas oo qayb ka ah qodobada ay isla qaateen guddiga Farsamada.

Kulankan ay labada dhinac ku wada hadlayeen ayaa waxa goob joogayaal ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo isla markaana ay kala hogaaminayeen gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh.

 

Waxaanay U dhignaayeen sidan.

 

  • Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiskii hore ee 11ka  qoddob ka koobnaa  ee Addis-ababa 21-12,2016 waxii hirgalay iyo waxii aan hir galin.
  • In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan
  • Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxxaliga ahba inay si deg deg ah uga hawl galaan deegaanadaasi,abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.
  • In shirka guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.
  • Waxaanu si wada jir ah u canbaareynaynaa falka nabad galiyo xumida iyo khal-khal galinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017,waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas Foosha xun iyo farogalintaba

Waxaana qodobadan ku saxeexnaa gudoomiyayaasha guddiga farsamada wada hadalada Somaliland iyo khaatumo mudane Maxamed Xaaji Aadan iyo Kayse Cabdi Yuusuf.20170211_150328IMG-20170211-WA0009

Share this:

Share With

rssyoutube

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *