Home Wararka “Waan Bogaadinayaa Dawladda Sucuudiga Oo Xoolihii Inoo Furtay..,” Guddoomiye Eng Faysal Cali...

“Waan Bogaadinayaa Dawladda Sucuudiga Oo Xoolihii Inoo Furtay..,” Guddoomiye Eng Faysal Cali Xuseen

11
0

Berbera (UCID-Media Group)

“Waan Bogaadinayaa Dawladda Sucuudiga Oo Xoolihii Inoo Furtay..,” Guddoomiye Eng Faysal Cali Xuseen

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa caawa magaalada Berbera kaga qeyb-galay, Munaasibad lagu shaacinayay laba Murashax oo ka sharraxan Gobolka Saaxil.

Murashaxiintan ayaa kala ahaa, Murashax C.raxman Maxamuud Xasan Oo u sharaxan Doorashada Golaha Wakiilada iyo Murashax Mustafe Cismaan Mustafe Magaalo oo u sharraxan Golaha Deegaanka Degmada Berbera.

Murashaxiintan ayaa ah kuwo Deegaankoodu isku raacay, laguna xulay nidaam-cadaaladeed oo loo bogay.

Waxaana caawa magaalada Berbera uga dhacday xaflad-balaadhan oo ilyartu is qabatay, kana soo qeyb-galeen taageeryaal buux-dhaafiyay Madashii xafladdu ka dhacaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here