Home Wararka THEATRE HARGEISI MA WAX QAYBSAMAA ? ODAYAASHA HADLAYNA DULMIGA LOO GAYSTAA KA...

THEATRE HARGEISI MA WAX QAYBSAMAA ? ODAYAASHA HADLAYNA DULMIGA LOO GAYSTAA KA HADLIYAY , YAASE GANACSADAHA XIDHAY WAA SU’AAL IYANA MEESHA TAALA

15
0

THEATRE HARGEISI MA WAX QAYBSAMAA ? ODAYAASHA HADLAYNA DULMIGA LOO GAYSTAA KA HADLIYAY , YAASE GANACSADAHA XIDHAY WAA SU’AAL IYANA MEESHA TAALA SIIDAYNTIISU SI AY U FUDUDAATO WAA IN LA HELAA CIDA XIDHAY SI DAMIIN LOOGU HELO OO LAGALA XAAJOODO :
cabdilahi_2
Barxada hore ayuu hadalku ku dhacayaa , meesha dhismuhu maanu mid uun ahayn oo dhismuhu lahayn , ma dhisme la barxad tiraa la arkay , wax qaybsama maaha oo theatre ka uunbaa leh , halkaa waa lagu gefayaa waana dulmi in lagu qabsado barxada hore ee theatre ka haduu theatre kiiba dhisay oo la siiyay waxa loogu qabsadaa meesha ma yaalo waa damac aan geedna loogusoo gaban kuwa ku haystaana waa ka gardaranyihiin , in laga qabto oo banaanka laga mariyo weeyi sharcina uma laha inay hor joogsadaan , dhamaan dhismaha theatre ka ninkaa odayga ah ee dhistaa iska leh .

Waxaan u malaynayaa in ninkaa odayga ah conversational tort lagu hayo o ah in heshiishkii hore ee uu la galay xukuumadii hore la sarifayo oo la leeyay intaasaa lagu siiyay lkn waa arin aan caqliga qaban kuwaa contract gii uu galay sarifayaa ee rifaayaa khaldan ee hadal ka ugu kala qaybinaya dhismaha , taasay sharci ahaan iila muuqataa (tort ) lawyerada iyo sharci yaqaanada ayaa garanaaya tort kee . waana dhibaatooyinka ugu badan ee contrac yada inaga haysta iyo heeshiishyada oo dadkeenu isku khiyaameeyaan . siduu ii sheegay garyaqaan ka shaqeeya maxkamada hargeisi mar aanu is aragnay garyaan maxamuud cabdilahi dacar mar u i sheegayay waxuu igu yidhi dhibaatooyinka ugu badan ee dadkeena aanu kala kulanaa waa contract yada oo jaba oo la dayaco contrac gii xaqiisii la marinwaayo .

Odayaashii hadlay waa gafeenoo hanjabaad isaga galaafatay ayay galeen oo ay sameeyeen waana danbi lagu eedaynkaro isagaa ka danbeeyay lkn yaa denbigaa ku qaadi kara , waa taliyaha policeka oo ay tahay inuu cadeeyo oo u isagu yidhaa anaa xidhoo amniga aawadii ayaan u xidhay , isagaana xaq u leh inuu xidho iyo inuu so daayo , maaha inuu ka gaabsado , haduu xidhayo maxuu uga gaabsanayaa marka la waydiiyo ee loo odhanayaa lama garanayo cida xidhay .

qofka marka la xidho waa in faahfaahin laga bixiyaa oo la yidhaa sidaa iyo sidaasaa dhacday lkn la garanmaayo ciduu u xidhanyay waa gef nololeed

Waxa iyana meesha ka cad cidan uu u xidhanyahay ma cada , hadaan cidiba haysan oo aanay lahayn anaa kusoo xidhay maxaa loo xidhayaa .

Halkaa waxa ka cad inaynaan garanayn shaqada aynu hayno o sharcigii police ku ka maqanyay dalka , maxkamadna aan lagu xidhin hadii iyada laga doni lahaa inay siidayso ilayn waranka maxkamada degmada ayaa lagasoo jaraaye ama ta gobolkabee .

Qofka marka la xidho waa in la helaa meel loo tixraaco oo lagala xisaabtamo oo awood u leh dood iyo wada hadalna lagala galikaraa cidaa xidhay haday tahay maxkamada oo damiin laga qaadankaro iyo hadii ay tahay taliyaha police ka oo isna damiin laga qaadankaro marka loo baahdo soo celiya .

Arintani waa arin dulmi cad ah in la garanwaayo qofkii u u xidhnaa ee meesha ku haystay iyo in la yidhaa lama garanayo cida uu u xidhanyay .

Ganacsadahan mid uunbaa arintiisa loo cuskan karaa odayaashaa hadlay , taasina waa mid ku xidhan inuu policeku dhameeyo inuu amaanka sugo lkn aan la xanibin goobta uu dhisanaayo ee la siiyay lkn meesha waxa ka cad in lagu haysto oo uu isna door biday inuu tollkii u qaylo dhaan tago .

Theatreka hargeisi ma qaybsamee ha laga qaado faraha oo ninkaa odayga ah waa laga gardaranyay , barxadaa lagu haysto

Dheriga maxaa dabka ka keena , markii laga gardarnaaday ee la horjoogsaday barxadii dhismihii uu ku tabcay ayaa uu isna qaylo dhaan dirtay intaasi waa inta odayaashu ka dhawaajiyeen intaasina wa sahaalo in la sugo amaanka isagana xaqiisa la siiyo oo loo xukumo barxadaa uu isagu leeyay oo la yidhaa isagaa leh , intaasay ku xidhantay lkn hadi intaasi meesheedii mariwaydo waa dhib dalkoo dhan haysata oo dulmi la isku haysto .

Umadani aqoon iyo xaq loo hiiliyay u baahantay , halooso celiyo xoriyadiisii dhawaaq dheer shacabku ha ku hadlaan oo dulmiga ha la dagaalamaan , hadii kale guryaheenaa la inagu qabsan oo waynu burburi daarada gurigeenaa la inagu qabsan oo dulmigu guryaheenuu soo gali doonaa hadii la gargaariwaayo dulmahana .

Allah mahadleh
xoghayeha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga UCID
Mudane Abdilahi Sh. Xasan Dayaan ( kayser )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here