Home Wararka Cumar Caydiid Caddaalad Daro Ayaa Ku Ciirtay

Cumar Caydiid Caddaalad Daro Ayaa Ku Ciirtay

32
0

Cumar Caydiid Caddaalad Daro Ayaa Ku Ciirtay:
IMG_468DD3-EB1E1E-2EC441-2BAE57-3CE0A5-2EFE8C
Hargeysa (UCID-Media Group) Qoraal Kooban Oo Uu Soo Gaadhsiiyey UCID-MEDIA Group Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Musharax Jamaal Cali Xuseen Kaga Hadlay Caddaalad Daradda Lagula Kacay Ganacsade Cumar Caydiid Axmed.Qoraalka Musharax Jamaal Cali Oo Aad Ugu Nuuxnuuxsady Caddalada Xuseen Waxa Uu U dhignaa Sidan

Qofka kasta oo muwaadin ah waxa ku waajib ah inuu ka hadlo xaqdaro lagu sameeynaayo qof kale oo muwaadin ah. Dawladda waxa ay dadku u doortaan in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka iyadoo la raacayo sharciga dalka u yaalla. Ganacsadaha weyn ee Cumar Caydiid, qayrkiisa, iyo muwaadin kasta oo dalkan u dhashay in xaqoodda la duudsiyo oo sharaftooda, karaamadooda, iyo hankooda in meel lagaga dhaco maaha mid ay shacabku u fadhiyaan iyadoo weliba awood dawladeed loogu xoog sheeganayo.

Xadhigii Ganacsade Cumar Caydiid lagula kacay iyo dariiqii loo marayba maaha mid wanaagsan oo ku haboon sifaha dawladnimo ee dalkan. Dastuurka Qodobkiisa 25(3) “Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha.” Dawladu waxa uu dastuurku saaray waajibka ah in ay dadka u damaanad siisay in loo illaaliso xorriyadaha, waxa ka mid ah xorriyada ah, in aan qofka la qaban ama la baadhin iyadoon taas sharci loo marin.

Cumar Caydiid haddii wax laga tirsanaayo in maxkamadaha loo soo maro ayeey ahayd ee may ahayn in sifihii qalafsanaa ee dadka layskaga xidhi jiray ee uu dadkani ka soo dagaalamay in dib loogu celiyo. Adduunyadda lama arag nin la doonayo in goobtii uu dhisay ee gawaadhidda la dhiganaayey ee parkingka inta lagu qabsaddo oo cid kale layska siiyo; oo weliba haddana xadhig loogu daro. Qofku waa inuu ka waantoobo waxa aanu isagu jeclayn in lagu sameeyo in uu walaalkii lagu sameeyo. Sharciga yaanu nina gacantiisa ku qaadanin.

Ganacsataddu waa kuwa dadka shaqooyinka u abuurra; karaamo gaar ayey inagu leeyahiin, inkastoo muwaadiniintu ay isku mid tahay. Haddiiba qof ganacsade ahi uu ku talaabsaddo sifo aan sharci ahayn, waxa haboon in loo maro dariiqyadda toosan ee dadku ku kala baxo; laakiin maaha in suuqa laga soo qabto oo karaamadiisa meel lagaga dhaco.

Beryahan danbe waxaa dalka ku soo noqnoqonaayey xadhig aan loo aabo yeellin oo lagula kacaayey in badan oo bulshadda ka tirsan oo fikirkooga, maalkooda, iyo doonistoodda lagu cabudhinaayey. Waxaan ugu baaqayaa Xisbigga Kulmiye ee talladda haya ee kolba dalka khalkhal aanu u baahneyn ku abuuraya inay ka waantooban arrimaha noocan oo kale ah ee dadka ku abuuraaya kala fogaansho. Maanta dadkeenii abaarro iyo dhibaatooyin ayaa dul hoganaya; waxa haboon in aynu ku mashquulno sidii Dawladda ay dadku doorteen ee muddo dhaaftay ay hawlahaas baaxadda badan ugu guntan lahayd, shacabkana u guubaabin lahayd. Ilaahay Wanaaga Hayna Garansiiyo.

Jamaaal Cali Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here