Home Wararka SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Guddoomiye...

SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Guddoomiye Ku xigeenka Sadexaad ee UCID Mudane Siciid Axmed Cumar(Siciid-ucid) iyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan, ayaa maanta magaalada Burco kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Togdheer.

19
0

Burco(UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Guddoomiye Ku xigeenka Sadexaad ee UCID Mudane Siciid Axmed Cumar(Siciid-ucid) iyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan, ayaa maanta magaalada Burco kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo u taagan Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Togdheer.

Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay, Madax-dhaqameed, Murashaxiin, Xildhibaanno, Maayir Ku Xigeenka burco, waxgarad, Dhalinyaro, haldoor, Iyo Taageerayaal tiro-badan oo buux-dhaafiyay hoolkii xafladdu ka dhacday.

Dhamaan mudantii iyo masuuliyiintii madashaas ka khudbadeeyay, waxay ka markhaati-kaceen Qiimaha uu ramaax ku lahayd dalka iyo sida uu ugu soo adeegay bulshada, iyagoo carrabka ku adkeeyay in uu Ramaax yahay masuul mudan in la garab-galo oo la doorto.

Xafladan ayaa kusoo dhamaatay jawwi deggen oo farxadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here