Home Wararka SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo...

SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Degmada Wadaamago.

20
0

Wadaamago(UCID-Media Group)

SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Degmada Wadaamago.

Waxaana Guddoomiyaha qaabilay Boqolaal kamid ah bulshada ku dhaqan Deegaankaasi, kuwaas kor u lulayay caleemo-qoyan kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee Xisbiga Ucid .

Waxaana halkaasi ka hadlay odayaal iyo waxgaradka Deegaankaasi, waxaanay dhammaantood wacad ku mareen in ay codkooda siin-doonaan Guddoomiye Faysal Cali Xuseen Doorashada Madaxweyninimo ee soo socota.

Murashaxiinta Xisbiga Ucid ee kasoo jeeda Deegaankaas ayaa iyaguna Kalmadoo dhawayna halkaas ka yidhi.

Ugu dambayn, Guddoomiye Faysal oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-naqay shacabka Deegaanka Wadaamago, isagoo dul istaagtay taarikhdii ay degmadani ku lahayd halganka Dalka.

Guddoomiyaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehelinayay qaar kamid ah xoghayayaasha Xisbiga oo kala ahaa:- Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax , Xoghayaha Hawlaha Guud Cali Saleebaan iyo Xoghayaha Xidhiidhka Laamaha Dibadda iyo Xarunta dhexe Mustapha Abdirizak Hussein .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here