Home Wararka SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa maanta magaalada Burco...

SAWIRRO: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa maanta magaalada Burco kaga qeyb-galay Munaasibad qado-sharaf ah oo lagu taageerayay Murashaxnimada C.salaan Maxamed Buraale.

11
0

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Ayaa maanta magaalada Burco kaga qeyb-galay Munaasibad qado-sharaf ah oo lagu taageerayay Murashaxnimada C.salaan Maxamed Buraale.

Waxaa kasoo qeyb-galay munaasibaddan, Madax dhaqameed, Odayaal, Hogaanka Xisbiga UCID, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Madax Dhaqameed-kii, Odayaashii, Masuuliyiinyii Xisbiga, oo dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u muujiyay taageerada ay u hayaan Murashax C.salaan Maxamed Buraale oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Burco.

Murashax C.salaan Maxamed Buraale, oo halkaas ka hadlay ayaa ka warramay asbaabaha ku kallifay in uu isa sharraxo, waxaanu soo bandhigay wax-qabadka iyo qorshaha u diyaarsan in uu ku horumariyo Burco hadduu ku guulaysto Maayirnimada Burco.

Murashaxa ayaa Bulshada ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codaynta, maadama maalinta barri ay Diinwaangalintu ka bilaab-mayso Togdheer.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo gabogabadii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ka Xisbi ahaan ay aqbaleen Murashaxnimada C.salaan, waxaanu intaas ku daray oo uu carrabka ku adkeeyay In Murashax C.salaan yahay masuul ku haboon in uu noqdo Maayirka Burco.

Murashax C.salaan Maxamed Buraale ayaa kamid ah Murashaxiinta ugu cadcad uguna dadaalka-badan Murashaxiinta ka sharraxan dalka, gaar ahaan gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here