Home Wararka SAWIRO: Munaasibadii Shaacinta Murashaxiinta Xisbiga UCID ee Gobolka Sool ayaa maanta ka...

SAWIRO: Munaasibadii Shaacinta Murashaxiinta Xisbiga UCID ee Gobolka Sool ayaa maanta ka dhacday magaalada Laascaanood.

16
0

Laascaanood(UCID-Media Group) Munaasibadii Shaacinta Murashaxiinta Xisbiga UCID ee Gobolka Sool ayaa maanta ka dhacday magaalada Laascaanood.

Waxaana Munasibaddan kasoo qeyb-galay, Hogaanka Sare ee Xisbiga oo uu hormuud u ahaa, Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Siciid Axmed Cumar(Siciid-ucid), Xoghayaha Arrimaha Dibadda Hibaaq Cali Maydhalaalis, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C.laahi.

Sidoo kale, waxaa munaasibaddan ku sugnaa, madax-dhaqamedd, odayaal, taageerayal-tiro-badan iyo waxgarad kale.

Murashaxiintan ayaa kala ah, Prof Axmed Muuse Abyan oo u taagan doorashada golaha wakiilada, Murashax Cabdilahi Caweer oo isna u taagan Golaha Wakiilada, Murashax Maxamed Axmed Aflahar oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka Laascaanood
Iyo Murashax Axmed Cabdilahi Binow oo u taagan Doorashada Golaha Deegaanka.

Murashax Abyan, ayaa ah siyaasi saamayn ku leh gobolkaas, isagoo taageero mug leh-na ka haysta Dhalinyarada Gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here