Home Wararka Qeybta Kowaad Ee Sawirada:- Waxaa Xalay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil...

Qeybta Kowaad Ee Sawirada:- Waxaa Xalay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka qabsoontay, xalfadda shaacinta Murshax Prof Mubaarik xuseen Maxamed (xeeldheere) u taagan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Saaxil Iyo iyo Axmed cali caynabo oo u taagan Doorashada Golaha deeganka Degmada Berbera.

12
0

Berbera (UCID-Media Group)

Waxaana kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Guddoomiye ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Mudane Saed Omar (Siciid-ucid), Xoghayaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax , Xoghayaha Xidhiidhka gobollada Abdiqani Ibrahim Salaf , Xoghayaha Xidhiidhka Laamaha Dibadda Iyo Xarunta Dhexe Mustapha Abdirizak Hussein ,Madaxda Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil, Madax dhaqameed, Aqoonyahan, Waxgarad, Dhalinyaro, Haween iyo taageerayaal Tiro-badan.

Dhamaan masuuliyiintii iyo mudantii halkaas ka hadashay, waxay isku raaceen in Murashaxiintan yihiin xul balse aanay ahayn xal.

Waxaanay taageerayaasha ugu baaqeen inay Murashaxiintan u hiiliyan una codeeyaan maalinta doorashada, inta ka horaysana ay bar-bar taagnaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here